PowerPoint-presentation

Download Report

Transcript PowerPoint-presentation

Horumarka waxbarashada iyo kaalinta
afka hooyo
Abukar Yusuf Warsame
[email protected]
Shirka macallimiinta, Stockholm
Oktober 24, 2009
1
Qodobbada aan ka hadli doono:
• Hordhac: Maxaa igu dhaliyey inaan mawduucan ka
hadlo?
• Heerka aqoonta ee ardada aan waddankaan ku
dhalan ama waalidkood uusan ku dhalan.
• Sida afka hooyo u saameeyo luqadda ardadu wax ku
barto siiba:
•
•
•
Sababaha baahida afka hooyo keentay
Noocyada luqadda labaad looga taageero ardeyda aan
waddankan u dhalan (non-native).
Doodda ku saabsan luqadda kowaad waxtarkeeda.
• Maxaa loo aaneyn karaa dib u dhaca ubadakeenna
iney waxbarashada jaamacadaha sii wataan?
• Talo soo jeedin iyo gunaanad
2
3
• Fikirka isku xirnaanta (interdependence hypothesis)
oo sheegaya in ardeygu uu horumar ka gaari karo
luqadiisa labaad haddii uu horey ugu fiicnaa luqadda
kowaad (afka hooyo)
L1
L2
Waxbarasho
tayo leh iyo
ubadka oo
isku
kalsoonaada
4
Maxay tahay sababaha loo hirgeliyey waxbarashada
luqadda kowaad ee afka hooyo (L1)?
1. In ay xoojiso sidii ardyagu uusan u dhumin
dhaqankiisa iyo asalka uu ka soo jeedo.
2. Iney u oggolaato in ubadka uu si caadi ah uga
hana qaado dhinaca luqadda waxbarshada iyo
korista xagga caqliga iyo maskaxdaba.
Source: SOU 1974 report and “home language reform, 1977”;
Monica Axelsson “Mother tangue teaching and programs for
bilingual children in Sweden”
5
5 nooc oo luqadda looga caawiyo ubadka (Christensen
and Stanat, 2007)
1. In ubadkii habka waxbarsahada lagu sii dhex daayo
(immersion).
2. In ubadkii habka waxbarsahada lagu sii dhex daayo isla
markaasna waqtiyo cayiman laga caawiyo luqadda
labaad ee wax lagu barto (immersion with systematic
language support).
3. In ubadkii la diyaariyo inta aan waxbarsahada lagu sii
dhex deyn (Immersion with preparotry phase).
4. In ubadkii marka hore luqaddiisa kowaad wax lagu
baro oo si tartiib-tartiib ah uu ugu gudbo luqadda
labaad ee uu wax ku barto (transitional bilingual).
5. In ubadkii wax badan wax lagu baro afkooda hooyo (L1)
ka dibna aad loo hagaajiyo aqoontiisa luqadda labaad
(maintenance bilingual).
6
Hardanka L1 iyo L2?
1. Xagga waxbarashada:
• ardaygii wuxuu uga faa’ideysan karaa aqoontii uu horey ugu
kasbaday L1 markii uu L2 wax ku baranayo.
• Macalimiinta L1 oo ciyaara door wax ku ool ah oo u
dhaxeeya iskuulka iyo waalidiinta ubadka soo galootiga ah.
• Kolleyba haddii ubadkii aysan waddankaan meelna uga
socon maxaa waqti looga dhuminayaa barashada L1.
• Luqadaha kowaad oo aad uga duwan kuwa labaad.
2. Xagga dareenka bulsho iyo doorka kalsoonida qof
ahaaneed.
3. Xagga xiriirka kala dhexeeya bulshada uu ubadku ka soo
jeedo.
7
Sababaha loo aaneyn karo faraqa waxbarasho ee
u dhexeeya ubadka waddanka martida loo yahay
iyo ubadka soo galootiga ama waalidkood soo
galootiga yihiin:
• Aasaaska reerka (family background) oo kala duwan
xag dhaqan, diin iyo dhaqaale.
• Dhibaato xagga dhex-galka oo ay la kulmaan ubadka
siiba xagga waxbarashada iyo shaqooyinka.
• Habka ay waddanka ku soo galeen waalidkood– mid
la soo casuumay sida kuwa shaqo ahaan ku yimid
ama mid iskiis isu keenay oo qaxooti ahaan ku yimid.
• Dhiirigelin la’aan xagga waalidka ah iyo bulshada ay
ka tirsan yihiin ubadku.
8
Talo soo jeedin iyo gunaanad:
• In la xoojiyo macallimiinta maadooyinka sayniska iyo
xisaabta oo aqoon u leh iney af-soomaali wax ku
baraan.
• In isku xir loo sameeyo aradeyda fara ku tiriska ah ee
ka qalin jabiyey jaamacadaha iyo ku dhawaan
dhammaynaya dugsiga sare si ay ula wadaagaan
faa’iidada waxbarashada jaamacadda.
• In la sameeyo tiro koob iyo daba gal horumarka
waxbarasho iyo mid shaqo ee ubadkeenna.
• Inta aysan arrintu gaarin “Icraabtu ama naxwahu ma
dammun ayay dhiigga ka beddeleysaa” ha lagu
dadaalo in barashada afka hooyo ay wax ka tarto
horumarka guud ee waxbarsho ee ubadkeenna.
9
Waad mahadsan
tihiin!!!
10