Transcript Downloaden
© IOM DIB U NOQOSHADA Taxanaha (Brograamka)-REAN Garabgelis (cawinaad) marka aad Nederland ka tageyso IOM the Netherlands P.O.Box 10796 2501 HT The Hague T 088 – 746 44 66 www.iom-nederland.nl Waxaad Nederland u timid in aad halkan wakhti dheer degganaato. Waxaa laga yaabaa in shaki kaa galay aayaha ayatiinkaaada ee Nederland. Haatan waa in aad go’aan qaadataa:in aad Nederland joogto, ama waddankaadii aad ka timid dib ugu laabato, ama dib u degto waddan kale. Hadii aad ku tala jirto in aad Nederland ka tagto, Hey’adda Caalamka ee Kalagooshista (IOM) inta badan waa ay ku garab geli kartaa (caawini kartaa). www.buildyourreturn.nl IOM waa hey’ad caalami ah oo madax banaan mana aha qeyb ka tirsan dowladda Nederland. Iyada ook ku leh shaqaale in ka badan 120 waddan waxa ay IOMta dunada oo dhan u soo taagan tahay danaha dadka kala gooshaya. IOMta waxa ay ku caawineeysa oo keli ah haddii aad aduna taa dooneysid. Warqaddan warbixinta waxa aad ka aqrisan kartaa maxaa dhaxal gal ah oo ay IOMta kuu qaban kartaa haddi aad Nederland ka tageysid. Infosheet REAN-programma Somalisch Ned 2014-10-638 Garabgalka IOMta haddii aad Nederland ka tageyso Brograamka-REAN Waa kuwee shuruudaha lagaa rabo si aad IOMta safarkeeda u isticmaasho? Waxaad Nederland u timid in aad wakhti dheer degganaato lakiin waxa aad hadda si kaba dambeys ah u go’aanatay in aad Nederland ka tagto. Si garabgalka IOMta ee ka safrista loo adeegsado waxa ay IOMta soo bandhigtay brograamka-REAN, Waxa aad brograamka-REAN ka faa’ideeysan kartaa marka aad arrimaha soo socdo aad ku sifeysanto. Dib u Noqosho iyo ka sii Gooshista Ajaanibta ee Nederland • Kharashka safarka iskaada iskagama bixin kartid. • Waxa aad kartaa(iyada oo dad malaha kuu dhexdhexaadiyaan) in aad hesho warqad lagu safro oo dhaxal gal ah, ama hore ayaad u lahayd warqadda safarka oo dhaxalgal ah (basaboor ama laashabasaare). • Waxa aad oggoshahay in Adeegga soo Degitaanka iyo Dhalasho-Bixinta (IND) aay joojiso dacwadda kuu socota ee ku dooneyso aggolaadho degitaan, ama ay kaa celiso oggolaashadii degitaanka. • Shantii sannad oo ka horreysay codsigaan in aada brograamka-REAN ku bixin. Oo isla markaana aan waddanka shantii sannad lagaaga saarin kharash ay dowladda nederlandka bixiyay. • In aadan ahayn qof u dhashay waddamada ka reeban in loo isticmaalo brograamka-REAN (Ururka Isutagga Yurub iyo waddamo kale oo galbeedka ka tirsan), Dhibbanayaasha ay haleeleen kuwa dadka ka bayacmushtara oo waddamadaa ka yimid dhab ahaantii waa ay isticmaali karaan brograamka-REAN. Waa kuwee arrimaha ugu muhiimsan marka ay xaaladda noqoto dib u degis? In aad heli karto sib u degis waxa ay ku xiran tahay nidaamka oggolashaha dadka ee waddanka aad dooneyso in aad degto. IOMta waxaa ay kuu qaban qaabineeysa safarka marka oo keli h ee aad waddan kale saddexaad oggolaasho oo degitaan ka hesho. Waxaa muhiim ah in oggolashaha dib u degista hore wakhtiga loogu habeeyo. Dacwadda ee dib u degista waxa ay dhabahaantii, iyadoo taak ku xiran xaladahaada shaqsiga ah iyo nidaamka dacwooyinka ay waddamada lagu socdo ay leeyihiin, qaadan kartaa waqti aad u dheer. Maxay IOMta kuu sameyn kartaa haddii aad dib u noqonayso? • Talo iyo warbixin ku saabsan dib u noqoshada ama dib u degista (waddan kale) • Talo sidii aad waraaqadaha safarka ku heli lahayd iyo in lagaa bixiyo kharashka aad gashay sidii aad waraqadaha safarka oo beddel ah ku heli lahayd. • Tikedka duulimaadka oo sii socod keli ah oo ku eg gegada diyaaradaha ugu dhow halka ugu dambeeynta aad ku socoto. • Hagid gudaha Schiphol iyo, haddii loo baahdo, hagis gegada diyaaradaha oo halka ugu dambeeysa oo aad ku socotay. Iyadoo ay ku xiran tahay xaaladdaada waxaa dhameystir ah oo aad leedahay? • Dhaqaale lagu caawinaayo kharashyada nolosha oo aad la kulmeyso maalmaha ugu horreya kaddib marka aad Nederland ka tagto. Inta lacgtaa ay la egtahay waxa ay ku xiran tahay isku dhafka qoyskaada sida uu yahay iyo xaaladaada degaan ee Nederland. • Waxaa laga yaaba in lagu siiyo dhaqaale lagu caawinaayo kharashka gaadiidka aad ka raaceyso gegada diyaaradaha ilaa iyo halka ugu dambeeysa oo aad ku socotay ee waddankaada. Garabgal (dhaqaale) oo dheeraad ah iyo hagis Waxaa garabgalka ee brograamka-REAN ay IOMta ku siineeysaa garabgal (dhaqaale) oo dheeraad ah iyo hagis oo noocedu yahay: Talo iyo warbixin IOMta waxa ay waddankan meelo kala duwan ku leedahay wakhtiyo qaabilaad oo joogto ah. Meelo kale xitaa waxaad telefoonkak u ballansan kartaa IOMta si aad talo iyo warbixin u hesho, sida: • Xerada Qaxootidoonka • Hey’adda Qaxootiga u adeegta • Xaruunta Dejjinta Deg-degga ah • Xabsiga Ajaanibta • Ururada Dadka kala goosha (Qaxootiga) • Hey’adaha bulshada u adeega • Heyádaha Kaniisadaha • Dowladaha Hoose (Munushiibiyada) IOMta waxa ay ku soo bandhigtaa warbixin rugyaasha laga helo dadka dalalka ka kala goosha. Hagista shaqsiga ah IOMta waxa ay dhex-dhexaadin dheerad ah siisaa: • Dadka leh dhibaato xagga caafimaadka. • Ajaanibta keligood ah oo d’da yar (AMV’s). • Dhibbanayaasha kuwa dadka ka bayacmushtara. • Dadka nugul oo kalagooshayo. Garabgalista dib ula qabsashada IOMta iyada oo adeegsaneysa shaqaalaha Dunida ku kala baahsan in sida ugu wacan u garbgasho taxanaha dib u noqoshada iyo dib ula qabsashada. Warbixin faahfaahsan oo garabgelista (dhaqaale) oo dheeraad ah iyo hagista waxa aad ka heli kartaa www.iom-nederland.nl iyo warqadda warbixinta ee la socota. Ma dooneysaa in aad IOMta la xiriirto? Soo wac: 088 – 746 44 66 Qoraalkan warqaddan warbixineed wax xuquuq ah kama dhaxleysid .