pages in Somali in one pdf-file

Download Report

Transcript pages in Somali in one pdf-file

studera.nu
Af-Soomaali
Waxbarashada Tacliinta Sare ee Sweden dhexdeeda
Dad badan ayaa waxay ku fekiraan in ay helaan heer tacliin ee waxbarasho sare
ah, laga bilaabo ardayda dhammaynaysa waxbarashadooda dugsiyada sare
kuwaasoo jecel in waxbarashadooda ay sii wataan, dadka qaangaarka ah ayaa
iyaguna jecel in ay bartaan wax cusub iyaga oo qaadanaya koorsooyin masaafo
ama meel kale laga qaadanayo. Tacliinta Sare waa wax mirodhal u ah horumarka
shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo
suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo
isdhexgalka dhaqamada, iyagoo sare u qaadaya fursaddahooda tartanka loogu
jiro dunnida maanta sii kordhaysa ee suuqa caalamka.
Buug yarahan dhexdiisa, waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan waxbarashada
laga helo heerka jaamacaddaha ee Sweden ka jira. Halkan, waxaad oggaan kartaa
wax badan oo ku saabsan jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacadda,
koorsooyinka iyo barnaamijyada, socodsiinta arjiga, taageerada dhaqaale inta
waxbarashada aad ku jirto, macluumaad waxtar leh oo ku saabsan deegaanka iyo
shaqada ee waxbarashada ka dib.
Tacliinta waxbarashada jaamacaddaha qof kasta
ayaa heli kara
Jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacadda Swedish waxay u furan yihiin qof
kasta oo jecel in ay sii wataan waxbarashadooda. Tiro badan oo bulshada ka mid
ah ayaa jaamacad waxbarasho u taga inta ku jiraan noloshooda. Qaar badan ayaa
si toos ah tacliin waxbarasho sare u raadsada marka dugsiga sare ay soo
dhammayaan, inkastoo qaar kalena ay doortaan in ay marka koowaad
shaqeystaan ama dibadda u safraan ka hor inta jaamacad aysan bilaabin. Inta
badan ardayda ay da'doodu udhaxeyso 20 iyo 25 sanno jir, inkastoo qaarna ay
da'daas ka wayn yihiin.
Jaamacaddaha Sweden ayaa aad unoqonayaa kuwa ay dhigtaan arday dhaqamo­
kala­duwan ka soo kala jeeda. Ardayda badan oo ajaanib ah ayaa Sweden u
yimaada barnaamijyo waxbarasho oo dhowr ah. Bee'ayd ay sugan yihiin
dhaqamo­kala­duwan oo laga bixiyo tacliin sare ayaa ah meel la jeclaysto ee goob
waxbarasho.
Xaqiiqda & Tirada Tacliinta Sare ee Sweden
• Inta arday ee sannad kasta wax ka barta Sweden dhexdeeda: 357,000
• Tirada barnaamij ee bixiya shahaadada bajaloorka iyo heerka mastareedka: in
ka badan 4,000
• Tirada barnaamijyada Ingiriiska lagu dhigo ee heerka baajaloorka iyo
maastareedka: in ka badan 700
• Boqolkiiba oo ah dadka Swedish ka ah ee ay da'dood udhaxays0 30­34 ee ugu
yaraan haysta laba sanno oo ah waxbarasho sare waa: 47.5
• Tirada ugu badan oo ah deeqda ardayda waqti buuxa dhigta sannadkiiba uu
heli karo (waa isku jir deeqo iyo dayn): 90,240 SEK
• Boqolkiiba arji­qortayaalka haweenka ah ee markii ugu horeysay soo dalbaday
2012:58
• Tirada ardayda cusub ee shisheeyaha ah 2011­2012: 13,100
• Tirada arday ee masaafo fog waxbarashada ku qaata: 68,000
• Tirada ardayda samisteerka dayrta 2012 shahaadada ugu sareysa ee
jaamacadda ku jira: 19,000
• Tirada ardayda ee waxbarashada dibad u aadda 2011­2012: 27,700
• Heerka baalgamuundada ee ardayda soo dhammeeyay waxbarashada dugsiga
sare kaliya: 7.3
• Heerka baalgamuundada ee ah ardayda halay heer waxbarasho sare: 4.8 %
studera.nu
Waxbarashada afka Swedish ama
Ingiriiska?
Jaamacaddaha Swedish waxay bixiyaan kummanaan koorsooyin iyo barnaamijyo
oo lagu bixiyo luqadda Swedish ka, iyo luqadda Ingiriiska. Ardayda aan weli si
wanaagsan aan u baran heerka la isaga baahan yahay ee af Swedish ka (Swedish
6, heerka Swedish lagu dhiggo iskuullada sare ee 3 sanno) ayaa waxay baran
karaan koorsooyinka luqadda Ingiriiska lagu bixiyo. Soo galootiga Swedish ka (SFI)
ma ahan shuruudda tacliinta waxbarashada sare. Dhammaan koorsooyinka lagu
bixiyo luqadda Swedish oo qoran waxaad ka heli kartaa bogga internetka
Antagning.se. Koorsooyinka waad isku barbardhigi kartaa adiga oo isticmaalaya
barta "Jämför utbilding" (waa afka Swedish ka kaliya) ee bogga studera.nu.
Universityadmissions.se waxaa ku qoran koorsooyinka lagu bixiyo luqadda
Ingiriiska oo dhammaystiran. Fadlan waxaad oggaataa in koorsooyinka lagu bixiyo
luqadda Ingiriiska lagu dhigto shuruudaha ugu yar ee luqadda Ingiriiska. Wax
badan oo ku saabsan shuruuddaha laga isaga baahan yahay ee waxbarashada
waxaad ka heli kartaa Antagning.se, Universityadmissions.se, ama bogga
internetka ee jaamacadda koorsada bixinaysa.
studera.nu
Jaamacad ama kulliyad jaamacad?
Sweden waxaa ku yaalla in ka badann 50 xarumood oo waxbarasho sare laga
bixiyo ­ laga bilaabo Kiruna oo ah dhanka waqooyi ilaa Malmö oo ah dhanka
koonfur. Iskuulladan badankoodu waa iskuul dadwayne, taasoo micnaheedu ah
waxaa iska leh dawladda. Sidoo kale qiyaastii waxaa jira ilaa iyo toban iskuullo oo
(gaar) loo leeyahay oo bixiya barnaamijyo oo loo oggol yahay in ay bixiyaan
shahaadooyinka maadooyin dhowr ah. Jaamacaddaha iyo kulliyaddaha
jaamacadda waxa ay helaan oggolaansho ku aadan shahaadooyinka
barnaamijyada ay bixiyaan waxay oggolaansho ay ka helaan hay'ad ka tirsan
dowladda Swedish hay'addaasoo loogu yeero Mas'uulka Tacliinta Waxbarashada
Sare ee Swedish [Swedish Higher Education Authority]. Waaxda waxay si joogto
ah ay u baartaa xarrumaha waxbarashada sare iyo barnaamijyadooda si
tayadooda loo hubiyo. Barnaamijyada baaritaanka ku baaso kaliya ayaa loo
oggolaadaa in ay bixiyaan shahaadooyinka.
Waxaa dhici karta in buug yarahan aad ka aragto kalmadaha sida jaamacad uu
isticmaalyo kalmada (universitet) iyo jaacad kulliyad (högskolan). Sweden waxay
leedahay jaamacaddo iyo kulliyado jaamacaddaha labadaba labaddoodaba waxa
ismadooriyaan marka laga hadlayo tayo. Faraqa u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay
jaamcad markastaaba waxay bixisaa waxbarashada shahaada sare ee (PhD) oo ay
siiso ardayda dhammaystay shahaadadooda koowaad, halka kulliyaddaha
jaamacaddaha aysan shahaadadaasi bixin karin. Si kastaba ha noqotee,
kulliyaddaha jaamacaddaha qaar ayaa haysta oggolaansho qaar oo u oggolaada in
ay bixiyaan shahaadooyin sare oo cilmi baaris gaar ah. Kalmadda xarumaha
waxbarashada sare (higher education institution [HEI] waxaa loola jeedaa
jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha labadaba.
Buug yarahan, mar marka qaar waxay isticmaalaynaa kalmadda jaamacaddaha
goorta aan ka hadlayno jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha labadaba ­
fadlan ogsoonow.
Su'aasha ay inta badan ay ardaydu badankooda iswaydiiyaan ayaa waxay tahay
middee fiican jaamacad ama kulliyadaha jaamacad. Suurtogal ma ahan in
su'aashan laga jawaabo oo waxay ku xiran tahay waxa aad adiga ay kula tahay ee
kuu wanaagsan. Waxyaabaha xisaabta lagu darsado ayaa ah iyadoo la eego
barnaamijyada ay bixiso xajmiga jaacadda, goobta ay ku taallo, bee'ayda, iyo
waxyaabo kale oo adiga kuu muhiim ah.
Tir badan oo ah jaamacado iyo kulliyaddaha jaamacaddaha ayaa ku taqasusa
waxbarasho gaar ah, sida maadooyinka farshaxanka ama maadooyinka
ingineering. Barnaamijyada kale ee la bixiyo ee xirfaddo kala dhowr ah.
Xusuusnow in tayada waxbarashada oo si joogto ah ay uqiimayso Waaxda
Waxbarashada Sare ee Swedish [Swedish Higher Education Authority].
Sidoo kale waxaa jira shirkaddo waxbarasho oo gaar loo leeyahay oo Sweden ka
howlgallo. Iyaguna badanaaba jaamacaddo iyo kulliyado jaamacad ayay isku
magacaabaan, haddana ma soo buuxiyaan heerka waxbarashada. Inta badanba
lacag waxbarasho ayay dad ku soo dalacaan. Macluumaadka ku qoran buug
yarahan ma soo qaadannayo iskuullada noocan oo kale ah. Taa waxaa raacsan,
macluumaad ku saabsan shirkaddahan waxbarashada gaarka ah kama helaysid
studera.nu, Antagning.se ama Universityadmissions.se.
studera.nu
Koorsooyinka iyo barnaamijyada
Waxbarashada jaamacaddahaaga waxay ka koobnaan doontaa qeybo casharbixin
oo koorsooyin loogu yeero. Wadankan Sweden, waxaad dooran kartaa in aad
qaadato koorsooyin gooni ah oo adiga iskaa isugu gaysnayso shahaado, ama
waxaad dooran kartaa barnaamij waxbarasho oo jaamacadda ay horeyba u
go'aamisay koorsooyinka ay ka koobnaan doonto. Barnaamijyada waxbarashada
oo dhan shahaado ayay kuu horseedayaan, halkaasoo lagaa doonayo in aad
doorato koorsooyinka gaar ah oo sax kuu ah si aad isugu gayso oo shahaado aad u
hesho.
Goorta laguu oggolaado in barnaamij aad ka qaadato, waa hubaal in boos lagaaga
qabto dhammaan koorsooyinka barnaamijkas la socda. Haddii aad qaadanaysid
koorsooyinka ay ku jiraan koorsooyinka kala dhowr ah, waa in aad dalbataa oo
laguu koorso kasta laguu oggolaadaa inta waxbarashadaada aad ku jirto. Sidaas
darteed, haddii koorsooyin aad isku darayso adiga oo shahaado tiigsanaya oo
aadanna ka qeyb ahayn barnaamijka, ma jirro wax hubaal oo ah in boos laguu
celin doono koorso kasta.
Waxaad isku qori kartaa waqti buuxa [full­time] ama waqti nus ah. Haddii aadan
karin ama aadan jeclayn in aad u guurto magaalo ama degmo kale oo aad
raadsato jaamacad ama kulliyad jaamacad, waxaad dooran kartaa waxbarashada
masaafadda. Tani waxay micnaheedu tahay waxaad dhiggan kartaa adiga oo
guriga jooga ama jooga meel magaaladaada dhexdeed ah. Xarrumaha
waxbarashada waxaa dhigta arday oo lataliyayaal xirfad shaqo ayaa jooga oo talo
iyo taageeraba ku siin kara. Koorsooyinka qaar oo masaafo laga barto waxay
kaaga baahan yihiin in aad iska soo xaadiraso kullamo dhowr oo jaamacadda lagu
qabanayo, halka kuwa kalena aysan qaban. Waxaad raadsan kartaa koorsooyinka
meel ka baxsan lagu barto oo aan doonayn in kullan la soo xaadiro ama aan la soo
xaadarin ka eeg boggooda oo ah Antagning.se iyo Universityadmissions.se, ama
koorsooyin dhowr ah isku barbardhig oo ka eeg studera.nu adiga oo isticmaalaya
"Jämförutbildning". Adeeggan af Swedish kaliya ayaa lagu bixiyaa.
Saxida iyo buundooyin koorsooyinka
Dhammaan koorsooyinka iyo barnaamijyada tacliinta sare ayaa waxay bixiyaan
buundooyin waxbarasho. Hal­samister oo waqti buuxa oo waxbarasho ah 30
buundooyin oo sannad dugsiyeed buuxa waxaad ku helaysaa 60 buundo.
Barnaamijyada ayaa inta badan ah kuwo seddex sanno ah (180 buundooyin) ee
heerka shahaadada bajaloorka iyo hal ama laba sanno (60 ama 120 buundooyin)
ee heerka shahaadada mastereedka.
Si loo qiimeeyo howsha iyo hurumarka ardayga, macalinka koorsada dhiga ayaa
wuxuu bixiyaa imtixaannaad. Imtixaannada waxay isugu jiraan kuwo waqti la isu
qabto iyo kuwo qoraal ah, kuwo guriga lagu soo dhammaystiro, ama mid af ah.
Sidoo kale ardayda waxaa looga baahan yahay in ay soo dhammaystiraan oo ay
soo gudbiyaan laylisyada shaqsi iyo kuwa kooxa ee loo diray. Laabs, shaqooyinka
koox iyo warqaddaha waxbarasho ayaa sidoo kale ah shuruudaha ay
koorsooyinka dhowr ah la iska doonayo.
Buundooyinka ardayda waxaa lagu saleeyaa natiijada howshooda. Waxaad xaq u
leedahay in imtixaannada aad dib u qaadato, laakin 5 jeer kama badnaan karto.
Mar marka qaarkood, ardayda rafcaan ayay ka qaadan karaan buundada la siiyay
ee imtixaan ay qaateen. Macluumaad badan oo ku saabsan imtixaannada iyo
buundooyinka waxaad ka heli kartaa studera.nu.
Noocyada shahaado
Goorta aad dhammaystirto waxbarashadaada, waxaad waydiisan kartaa in
shahaado lagaa siiyo jaamacadda ama kulliyadda jaamacadda ee halka aad wax ka
baratay. Waxaa jira seddex nooc oo shahaado ah ee la bixiyo: guud, maadooyinka
aadaabta iyo xirfadleyaal.
Waxaa jira laba nooc oo ah shahaadooyin guud ee heerka waxbarashada hore ee
Jaamacadda: Shahaado jaamacad oo (2 sanno) ah iyo Shahaadada Bajaloorka oo
(3 sanno) ah. Waxaa intaa dheer, waxaa jira laba nooc oo qallinjebin ah
shahaadada heerka (qeybta labaad): Shahaado Mastar (1 sanno) iyo Shahaado
Mastar oo (2 sanno) ah.
Barnaamijyada bixiya shuruuddaha xirfaddo qaar ee uhorseeda in la bixiyo
shahaado xirfadle. Tusaalooyinka barnaamijyada oo kale waa sida
kalkaalisannimada, ingineering iyo cilmi­nafsiga.
studera.nu
La taliyaha iskuulka
Waa wadada ugu wanaagsan oo caawinaad u heli karto oo ah su'aallahaaga ku
saabsan waxbarashada jaamacadda aad la taliyaha iskuulka aad kala hadasho.
Haddii aad dhigato Swedish upper secondary school [dugsiga sare] ee (jimicsiga),
la taliyaha iskuulka waxaad kala xiriiri kartaa iskuulkaaga. Ardayda wax ka barta
dugsiga sare ee folk (folkhögskolan) ama barnaamijyada waxbarashada
qaangaarka ee dowladda hoose ayaa sidoo kale waxay leeyihiin la taliye iskuul.
Jaamacad iyo kulliyad jaamacad kasta ayaa sidoo kale leh adeegyada la talinta oo
ay ardayda ugu talagaleen. Adeegyada "Jämfor utbildning" ee ku qoran
studera.nu (af Swedish kaliya) waxaa ku qoran macluumaadka aad kula xiriiri
karto adeegyada la taliyaha ee jaamacaddaha aad adigu danaynayso.
studera.nu
Xaq u yeelashada waxbarashada
Si jaamacadda ama kulliyadda jaamacadda loo dhigto, waa in aad soo buuxisaa
shuruuddaha guud iyo shuruuddaha gaarka ah ee la isku qoro koorsooyin ama
barnaamijka adiga aad dalbatay.
Shuruuddaha lagu galo ee guud
Dhammaan koorsooyinka iyo barnaamijyada waxaa jira shuruuddo qaar oo
aassaasi ah. Haddii aad leedahay waxbarasho diyaar­gareyn ee dugsiga sare
(gymnasieexamen) oo aad ka qaadatay dugsi sare ee Swedish (gymnasium) ama
barnaamijka waxbarashada dadka qaangaarkah ee degmada, waxaad soo
buuxisay shuruuddaha guud ee lagu galo ee waxbarashada sare ee Sweden
dhexdeeda. Xitaa ardayda leh xirfad ama tababar ka haysta dugsi sare oo Swedish
ama barnaamijka waxbarashada dadka qaangaarka ee keenay buundada (A­E) ee
Swedish ama Swedish sida luqad labaad oo kale 2 + 3 iyo luqadda Ingiriis 6 waxay
buuxiyeen shuruuddaha guud ee lagu galo waxbarashada tacliinta sare. Haddii ay
kaa dhimman tahay xirafadda Swedish ama Ingiriiska, waa in aad barataa
koorsooyinkan oo aad ku baastaa.
Haddii waxbarashada dugsiga sare aad ku soo dhammaysatay wadan kale oo
waxbarashada dugsiga sarena aad soo dhammaysay wadankaaga, waxay u badan
tahay Sweden dhexdeeda aad uqalanto haddiiba aad ka soo baxdo shuruuddaha
afka Swedish ka, Ingiriiska iyo xisaabta.
Sidoo kale xaq u yeelashada waxaa kaloo ku aad ku heli kartaa adiga oo u mara
wax loogu yeero 'reell kompetens' ama waxbarasho hore. Macluumaad dheeraad
oo ku saabsan qiimayn barasho hore waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee
iskuul kasta.
Shuruuddaha gaarka ah ee lagu galo
Koorsooyinka badankood, ardayda waxaa looga baahan yahay in ay soo
bandhigaan aqoon hore. Tan waxaa loogu yeeraa xaq u yeelasho gaar ah Tusaale
waxaa noqon kara barnaamijka injineerin ka, halkaasoo ardayda loogu baahan
yahay in uu soo dhammaystay koorsooyinka xisaabta ee heerka sare iyo
koorsooyinka sayniska kale. Koorsooyin iyo barnaamijyo qaar, tusaale ahaan
maadooyinka farshaxanka, waxaa dhici karta in loo baahdo imtixaan gaar ah ama
waayo aragnimo qoraal ah.
Ka waran haddii aanan ka soo bixi karin shuruuddaha?
Haddii aadan ka soo bixin shuruuddaha lagu galo ee gaarka ah ama midda guud,
waxaa jira qaabab lagu heli karo. Macluumaad dheeraad waxaad ka heli kartaa
iskuullada sare, xafiisyada waxbarashada dadka qaangaarka ah ee degmada iyo
iskuullada sare ee [folk high schools]. Sidoo kale la taliyaha iskuulka ayaad kaalmo
ka heli kartaa. Ka eeg folkhogskola.nu, studera.nu ama bogga internetka ee
degmada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
Imtixaanka [Swedish Scholastic Aptitude Test]
Haddii aad ka soo baxdo shuruuddaha lagu galo, fursadda ah in laguu oggolaado
kor ayaad u qaadi adiga oo gala Imtixaanka Swedish Scholastic Aptitude Test.
Imtixaankan oo caamka ah sideed qeybood ayaa loo qeybiyay oo waxaa ku jira
160 su'aalood oo laka dooranayo. Maadooyinka oo dhan aannan ka ahayn
garashada aqriska Ingiriiska waa luqadda Swedish ka, sidaa­awgeed wax
wanaagsan in aad ka taqaano luqadda Swedish ayaa la iska doonaayaa.
Maadooyinka la isku imtixaanno waa: xisaabta;barbardhigga xisaabta; taswiirro
wax lugu bayaaninayo, shaxan iyo qariido; macluumaad ku filan; fahamka aqriska
Ingiriiska; fahamka aqriska Swedish; kalmaddaha Swedish ka; iyo jumlad
dhamaystirka.
Imtixaanka sannadkii laba jeer ayaa la qabtaa oo ilaa i inta aad jeceshahay ayaad
gali kartaa. Natiijadaada imtixaanka ilaa iyo 5 sanno ayay jiriyaan. Waad dalban
kartaa oo waxaad dhammaystir kartaa meelaha koorsooyinka iyo barnaamijyada
iyadoo lagu salaynayo fasaladaada iyo natiijooyinka imtixaanka, sidaa­awgeed
wax kaa lumaayo ma jiro oo imtixaanka gal. Macluumaad ku saabsan imtixaankan
oo (Swedish) ah, oo ay ku jiraan dukumentiyada arjiga, kala soo bax
www.hogskoleprov.nu . Macluumaad ku qoran af Ingiriis oo imtixaanka ku
saabsan, fadlan ka eeg studera.nu.
studera.nu
Dalbashada tacliin sare
Guddiga Tacliinta Sare ee Swedish [Universitets­ och högskolerådet](UHR) iyadoo
ay kaashanayaan jaamacaddaha Swedish iyo kulliyada jaamacadda ayaa mas'uul
ka ah oggolaanshaha qaadashada koorsooyinka iyo barnaamijka. Ardayda waxay
jaamaddaha Swedish iyo kulliyaddaha jaamacaddaha waxay ka codsan karaan
boggaga Antagning.se (koorsooyinka iyo barnaamijyada Swedish la isku barro) iyo
Universityadmissions.se (koorsooyinka iyo barnaamijyada Ingiriiska la isku barro).
Haddii aqoonsiga aad ilaalisay, oo aadan shaacin faahfaahinta shaqsi ama ay
jiraan sababo kale internetka kama buuxin kartid, UHR ayaad kala xiriiri kartaa
wixii caawinaad ah. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa studera.nu
iyo Antagning.se.
Macluumaad ku saabsan socodsiinta arjiga, shuruuddaha xaq u yeelashada iyo
dalabyada socodsiinta waxaa laga heli karaa Antagning.se af (Swedish) ah ama
Universityadmissions.se af (Ingiirska). Halkaas, waxaad ka baari kartaa koorsooyin
iyo barnaamijyo, samayso koonto isticmaale, arjigaaga oggolaanshaha soo gudbi,
oo natiijooyinkaaga oggolaanshaha soo gudbi. Fadlan waxaad oggaataa in
Universityadmissions.se yahay bog loogu talagalay inuu buuxiyo baahida ardayda
caalamiga; hase­yeeshee, waxaad heli kartaa macluumaad oggolaansho ee la
xiriira oo ku qoran Ingiriiska iyo buug ku qoran koorsooyinka iyo barnaamijyada
lagu bixiyo luqadda Ingiriiska oo bogga internetka ku qoran.
Sannadka arjiga laba samister ayaa loo qaybiyaa. Samisterka dayrta wuxuu
bilawdaa bisha Agoosto/Seteember oo wuxuu dhammaadaa bartamaha bisha
Janaayo. Samisterka xiling gu'a wuxuu bilawdaa bartamaha bisha Janaayo oo
wuxuu dhammaadaa bisha Juun. Waqtiga kama dambayska arjiga waa:
• Ardayda caalamiga ah koorsooyinka iyo barnaamijyada afka Ingiirska lagu bixiyo
(dhammaan ardayda oo dhan ayaa dalban kara haddii ay doonayaan), Janaayo 15 ee
samisterka xiliga dayrta iyo Agoosto 15 ee xiling gu'a
• Dadka Sweden degan ama wadamada EU/EES ee koorsooyinka iyo barnaamijyada
laga bixiyo afka Swedish ka iyo luqadda Ingiriiska (fadlan ogsoonow in koorsooyin
qaar ee la bixiyo horraanta qeybta hore aan la bixin waqtigan), Abriil 15 ee xiliga
dayrta iyo Oktoobar 15 ee xiling gu'a.
Haddii aad jeceshahay in aad dhigata inta lagu jiro xiliga xagaaga, jaamacaddaha
waxay bixiyaan koorsooyinka gaa­gaaban oo waqtiyo kala duwan ah. Mudada
arjiga ee koorsooyinka xiliga xagaaga waa Maarso 15.
studera.nu
Taageero dhaqaale
Tacliinta Sare ee Sweden dhexdeeda waa bilaash oo wax qarash ah lagama
qaadayo muwaadinniinta wadamada EU/EES ama Switzerland. Shaqsiyaadka
degnaansha ku leh Sweden sababo aan ka ahayn waxbarasho ayaa iyaguna sidoo
kale bilaash u ah qarashka lagu barto. Tacliinta shahaadada ugu sareyso qof kasta
waa u bilaash.
Adiga arday ahaan, weli waxaad u baahnaan doontaa lacag aad isaga bixiyo
qarashka qutul­yoonka, sida cuntada, hoyga iyo qoraallada koorsada iwm. Dariiqa
ugu caamka ah oo ay ardayda kaalmo ku hali karaan inta lagu jira
waxbarashadooda ayaa ah in deeq waxbarashada ay ka dalbadaan Guddiga
Qaranka ee Kaalmada Ardayda (Centrala studiestödsnämnden, CSN). Kaalmada
ardayda waxay ka kooban tahay deeqda ardayda oo aan lagaaga baahnayn in aad
dib u bixiso iyo daynta ardayda oo la iska doonayo in dib loo bixiyo. Waxaad
dalban kartaa oo kaliya deeqda haddii aad leedahay dhaqaale kale. Kaalmo waad
u heli kartaa haddii waxbarashadaada ay tahay [part­time].
Kaalmada loogu talagalay waxbarashada jaamacadda waxaa la heli karaa ugu
badnaan 240 todobaad. Kaalmada ardayda waxaad heli kartaa ilaa iyo aad ka
gaarto da'da 56 sanno jir, laakin xuquuqda in aad lacag ammaahsan karto waxay
ku eg tahay maalintii ay 47 sanno kuu gasho.
Xaq u yeelashadaada kaalmada ardayda wax saamayn kuma yeellan doonto inta
lacag ee koontada bangiga kugu jiro ama daqliga qoyskaaga soo gasha. Hase­
yeeshee, xad ayaa jira oo ah inta lacag ee aad kasban karto inta lagu jiro
kaalandarka nus ee sannadkii inta aad ku jirto waxbarashada ka hor inta aysan
saamayn ku yeellan kaalmada ardayda ee ay dhici karta in aad hesho. Uma
baahnaan doonto in aad noo fidiso nooc kasta damaanad ah ee dayntaada ah,
laakin samister kasta waa in aad keentaa buundooyinka gaar ah si aad kaalmada
ardayda aad u hesho.
Xeerar gaar ah ayaa ku qabanaya haddii aadan haysan dhalashada Swedish ka.
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee CSN's waa
www.csn.se .
Dib u bixinta daynta
Dib u bixinta daynta waxay kuu bilaabmaysaa lix bilood ka dib marka
waxbarashada ay kuu dhammaato markii ugu dambaysay ee daynta lagu siiyay.
Lacagta aad dib u bixinayso waxay ku xiran tahay inta lacag ee aad ammaahatay,
sicirka dulsaarka iyo da'daada. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u
bixinta waxaad ka heli karaa CSN' boggeeda internetka.
Deeqda-waxbarashada iyo qarashka hoyga
Wadankan Sweden, ma jiro deeq­waxbarasho oo badan oo ay dalban karaan
ardayda ku jira tacliinta waxbarashada, deeqada waxbarashada ee jirtana ma
ahan mid ku filan qofka inuu masaruufto. Xaqiiq dii, ardayda reer Sweden
kaalmada ardayda ayay qaataan halka ay ka qaadan la'haayeen deeq­
waxbarasho. Maktabbadaha dadwaynaha ayaad ka helaysaa macluumaad
dheeraad ah oo ku saabsan halka deeq­waxbarasho aad ka dalban karto.
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa studera.nu.
Ardayda looga baahan yahay in ay iska bixiyaan lacagta waxbarashada ee
wadankan Sweden waxay dalban karaan deeq­waxbarasho iyagoo u mara
Swedish Institute, iyo jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha.
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa Studyinsweden.se.
Haddii aad tahay waalid leh carruur ay da'doodu udhaxayso 18 iyo 28 sanno jir oo
daqligoodana hooseeyo, waxaad dalban kartaa lacagta hoyga. Macluumaad
badan waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee Xafiiska Caymiska Bulshada ee
[Swedish Social Insurance Office] oo ah www.forsakringskassan.se.
Shaqada inta waxbarashada ay socoto
Waxaa muhiim ah in aad xusuusato in waxbarashada ay waqti u baahan tahay.
Waxbarashada waqtiga buuxa ah [full­time] waxay la mid tahay sida adiga oo
shaqeeya shaqo waqti­buuxa ah, tusaale ahaan, todobaadkiiba 40 saacaddood.
Ardayda qaar waxay shaqeeyaan waqti nus ah inta ay waxbarashadoodu ku
jiraan; hase­yeeshee, goorta aan fasalka lagu jirin, waqtigaaga badankiisa waa in
aad gelisaa in iskaaga ama asxaabtaada aad isla dhigataan aad isla barataan
casharka la idin siiyay.
Qarashka Maciishada
Miisaaniyadda soo socda ee loogu talagalay ardayda labka ah iyo kuwa dheddigga
ah waxaa isku soo ururiyay Hay'adda Macmiilka ee Swedish [Swedish Consumer
Agency] (Konsumentverket). Kuwan waa qiyaas kaliya; qof kasta wuxuu leeyahay
karti uu ku kaydsado waxyaabo kala duwan, tusaale ahaan cunto. fadlan
ogsoonow in waxyaabaha ku kaca ay caado ahaan in magaalooyinka wa wayn sida
Stockholm ama Gothenburg ay aad uga badnaan karto, oo ayna jirto in meelaha
fog ee Sweden dhexdeeda ah ay ka sii yaraan karto.
Qiyaasaha la soo qaatay ee bishiiba oo Swedish kronor ah (SEK).
Rag
Dumar
Cuntada
2,380
1,790
Nadaafadda shaqsi
380
510
Dharka iyo kobaha
590
600
Waqti­firaaqada
620
620
Telefoonka gacanta
230
230
Agabyada sida xaashida musqusha, iwm
100
100
Isgaarsiinta, oo ay ku jiraan internetka iyo shatiga TVga
600
600
Caymiska guriga
90
90
Kirada
3,500
3,500
Korontada
250
250
Buuggaagta iskuulka iyo suugaanta
750
750
Gaadiidka dad­weynaha
510
510
Isu­geyn
10,000
9,550
studera.nu
Hoyga ardayda
Waxaa jira dhowr hoy oo kala duwan ee ay ardayda heli karaan. Haddii laguu
oggolaado in aad koorso ama barnaamij aad ka qaadato jaamacad ku taala halka
aad degan tahay, halka aad degan tahay ayaad sii degnaan karta. Iqtiyaarka kale
ayaa waxay tahay waxaad kiraysan karta guryaha ay ardayda degan yihiin ama
hoolka ardayda ayaad qol ka kiraysan kartaa. Haddii aad degan tahay hoolka
ardayda, qol adiga gooni kuu ah ayaa lagu siin doonaa oo meelaha kushiinka
ayaad arday kale aad la wadaagi doontaa.
Noocyada hoy ee ay ardaydu heli karaan waxay ku xiran tahay halka ay
jaamacaddu ku taal. Barta ugu wanaagsan ee aad ka heli karto macluumaad ku
saabsan waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee jaamacadda aad qorshaynayso
in aad dhigato. Hoyga ardayda ­ iyo macluumaadka ku saabsan ­ waxaa bixin kara
iskuulka, Ururka Ardayda, ama shirkaddaha hoyga gaarka ah.
Helida bar lagu noolaado inta waxbarashada lagu jiro ayaa ah mid culus. Waxaa
aad muhiim u ah in raadinta waqti hore la bilaabo, gaar ahaan haddii aad waxka
baranayso magaalo wayn ama degmo. Halkan studera.nu, macluumaad dheeraad
ah ee sida loola xiriiro waxaad ka heli kartaa dhammaan jaamacaddaha iyo
kulliyaddaha jaamacaddaha ee wadanka Sweden, iyo sidoo kale macluumaad ku
saabsan hoy hubaal ah.
studera.nu
Shaqada waxbarashadaada ka dib
Barta ugu wanaagsan oo laga heli karo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan
shaqooyinka iyo xiradda, saadaasha shaqooyinka, iyo waxbarashada ay uga
baahan yihiin xafiiska Adeegyada Shaqada Dad­weynaha Swedish. Boggooda,
http://www.arbetsformedlingen.se/ , waxaa ku qoran macluumaad badan oo
waxtar u ah baaritaanka macluumaadka shaqooyinka iyo shaqsiyaadka shaqo
raadiska ku jira. Bogga studera.nu waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan
saadaasha suuqa ee barnaamijyada waxbarasho ee dhowr ah.
Haddii waxbarashada aad ku soo dhammaysay wadan kale, waxaa kuu qiimayn
kara Guddiga Tacliinta Sare ee Swedish. Haddii waxbarasho jaamacad aad ka
dalbatay wadankan Sweden dhexdiisa, buundooyinkaaga duga sare iyo
waxbarashada sare waa la qiimayn doonaa marka la eegayo xaq u yeelashadaada
in aad qaadan karto koorsooyinka ama barnaamijyada aad dalbanayso. Sidoo kale
waxaad dalban kartaa qiimayn gooni ah ee aqoontaada shaqo aad raadinayso
darteed. Qiimaynta waa mid muhiim u ah adiga iyo shirkadda aad ushaqayso
goorta aad dalbanayso shaqada. Marka laga hadlao xirfaddaha u baahan
Macluumaad dheeraad ah waxaa ka heli ka heli kartaa bogga internetka ee
Guddiga Tacliinta Sare ee Swedish www.uhr.se .
studera.nu
Qaababka kale ee waxbarashada
Waxaa jira dalabyo kale oo ay ardayda ku wadan karaan waxbarashadooda
dugsiga sare ka dib. Waxbarashada Tababarka Dugsiga Sare (Yrkeshögskolan)
waxay isku jiraan waxbarashada maadooyinka tiirootikalka ah iyo kuwa maadada
ah oo wada shaqayn dhow aad la samaysaa shirkaddaha iyo hay'addaha. Waxaa
la bixiyaa barnaamijyada marka ay jiraan dalabyo awood xirfadeed ee
maadooyinkaas. Macluumaad dheeri ah waxaa laga heli karaa
www.yrkeshogskolan.se.
Sidoo kale ardayda koorsooyinka iyo barnaamijyada waxay ka baran karaan
dugsiga sare ee folk. Qiyaas ahaan Sweden waxaa ka jira 175 oo ah dugsiyada sare
ee folk, ayaa dadka qaangaarka ah siiyo waxbarasho maadooyinka qaar ah.
Iskuullada sare ee folk ayaa ardayda ka caawiyo in ay udiyaariyaan jaamacadda,
ama shaqsiyaadka siiya macluumaad ku saabsan barnaamijyo dheeraad ah oo ay
daneeyaan. Si aad waxbadan aad uga oggaato booqo www.folkhogskola.se .
studera.nu
Waxbarashada dibadda
Jaamacadda Swedish ka badankood heshiisyo ayaa waxay la leeyihiin jaamacaddo
shisheeye ee laga qaato barnaamijyo kala duwan ee waxbarasho. Inta aad ku
guddi jirto waxbarashadaada dibadda ayaa waxaa loo qiimeeyaa in ay tahay adiga
oo ku jira barnaamikaaga Swedish ka oo buundada ay ku siiyaan jaamacaddahaasi
waa laguu xisaabayaa marka aad soo laabato.
Si aad uga qaybqaadato barnaamijka waxbarashada dibadda, waa in laguu
oggolaadaa jaamacad Swedish ah ama kulliyada jaamacad oo, badanaaba, waa in
aad Sweden dhexdheeda ku dhammaysaa oo aad haysataa tiro buundooyin ah
inta aadan u ambabixin waxbarashadaada wadan kale.
Ardayda waxay isticmaali karaan deeqda la siiyay iyo daynta ay ka heleen CSN in
ay dibadda wax ku soo bartaan. Inta badan, ardayda ayaa sidoo kale xaq u yeesha
in ay helaan deeq­waxbarasho oo dheeraad ah. Waa in aad ula xiriirtaa
isuduwaha caalamiga oo jaamacaddaada jooga si aad wax badan uga oggaato.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada dibadda ayaa waxaad ka
heli kartaa bogga internetka ee studera.nu.
Erasmus+
Barnaamijyada ardayda la isdhaafsado ee ugu wayn ayaa waxaa loogu yeeraa
Erasmus+, waa barnaamijka waxbarashda Middowga Yurub ee Yurub dhexdeeda
ah. Erasmus+ waxay ardayda ay siisaa fursaddo ay 3 ­ 12 bilood ay wax ku soo
bartaan jaamacad ku taala wadanka kale oo Yurub ku yaala. Ardayda Erasmus ma
bixiyaan qarashka waxbarashada ku baxa oo deeq­waxbarasho ayaya helaan oo
ah 315 ama 375 oo euro ah bishiiba. Ardayda Erasmus+ waxay baran karaan
shahaadada koowaad ee jaamacad, maastaradka ama heer shahaada ugu
sareysa.
Wax badan oo ku saabsan barnaamijka Erasmus+ waxaad ka oggaan kartaa
studera.nu.