axdiga kumeel-gaarka ah xisbiga midnimo-qaran

Download Report

Transcript axdiga kumeel-gaarka ah xisbiga midnimo-qaran

Xisbiga Midnimo Qaran

The National Unity Party

MIDNIMO NABAD BARWAAQO SOMAALIYA

©2014

Halkudhagyada Xisbiga

Suuragal ma ha inaan Somaaliya isbeddel ku sameyno haddii ugu horeyntii aanan bedelin aragtideena, hab-dhaqanka ururadeena iyo qaabka aan uwajaheyno siyaasadda.

Ilaahey ma beddelaayo xaaladeena ceebta iyo sharaf-darada ah ee aan ku jirno xilligaan, haddii aynaan nafteena isbeddel ku sameyn.

Ma rabno inaan ku noolaanno dacma-hoorsida beesha caalamka, ma dooneyno inaan qaxooti ku noqonno wadamo dad kale leeyihiin. Waxaan rabnaa inaan dalkeena kula noolaano sharaf iyo barwaaqo.

Xisbiga iyo Dastuurka KMG

Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, aasaaso, ka qeyb galo ururo siyaasadeed, shaqo xirfad ama bulsho oo waafaqsan sharciga, iyadoon amar la soo weydiin dowladda.

(Axdiga KMG, qodobka 16) 

Sida sharcigu qabo, dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo leh qorshe siyaasadeed oo si cad u qeexaya hadaf siyaasadeedkooda qaran.

(Axdiga KMG, qodobka 22)

Hordhac

 Aasaasayaasha Xisbigu waxey ku qanacsanyihiin in xisbigu barbaarin karo hoggaanka siyaasadda, lagu abaabuli karo bulshada, laguna hagaajin karo xiriirka ka dhexeeya bulsho ku dhisan ehelnimo iyo Islaamnimo, iyo dawlad ku saleysan muwaadinnimo. Xisbigu waxuu heshiisiinayaa dawladda iyo bulshada, dhaqanka iyo arimaha casriga ah.  Axdigaan ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Midnimo Qaran waxaa lagu maamulayaa hawlaha Xisbiga muddo labo sano aan ka badneyn laga bilaabo 26 Feberaayo, 2014. Muddadaas labada sano ah gudohooda, waxaa dib-u-eegis lagu sameyndoonaa Axdigaan si looga dhigo dastuurka rasmiga ah ee Xisbiga, waxaana lagu ansaxinayaa shirweynaha Xisbiga.

Mabaadi’da Guud

1. Xisbigu wuxuu si aan laab-laab laheyn ugu dheganyahay mabaadi'da lagu dhisay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhigtay Islaamka marjac kama danbeys u ah qawaaniinta dalka, wuxuu u doodayaa in si dhexdhexaadnimo ah loo fasiro Islaamka, tilaabo-tilaabo loo hirgeliyo, lagana hortago kala qaybsaanta bulshada iyo seef-la boodnimada. 2. Xisbigu wuxuu u taaganyahay soo celinta iyo dhawridda midnimada qaranka, iyo isku duubnida bulshada dagaalka sokeeye burburiyay ayada oo la adeegsanaayo farsamooyinka Cadaaladda Xilliga kala-Guurka ah oo ka shiidaal-qaadaneysa dhaqanka dadka iyo diinta Islaamka.

Mabaadi’da Guud

3. Xisbigu wuxuu rumeysanyahay xornimada qofka iyo xuquuqda bulshada, xukunka dimoqraadiga ah iyo adeegsiga mabaadi'da wada-tashiga ayada oo la adeegsanaayo doodaha furan iyo wada-tashiga bulshada.

4. Xisbigu wuxuu horseedayaa sareynta sharciga, hay'adeysnaanta, federaalaynta, kala qaybsanaanta awoodaha hay'adaha dawladda iyo madax-banaanida garsoorka. 5. Xisbigu wuxuu utaaganyahay dhawridda karaamada insaanka iyo xuquuqdiisa assasiga ah, iyo sinaanta dhammaan muwaadiniinta iyo helitaanka adeegyada bulshada.

Mabaadi’da Guud

6.

Xisbigu wuxuu ku baraarugsanyahay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqan-dhaqaale, taas oo muwaadin kasta la gaarsiinayo adeegyada bulshada iyo fursadaha shaqo siinta ayada oo dhaxal-qarameedka iyo bay'adda si habsami ah loo dhawrayo.

7.

Xisbigu wuxuu rumeysanyahay ahmiyadda ay leedahay in laga qaybgeliyo dumarka iyo dhallinyarada siyaasadda iyo in la dhiso muggooda si ay awood ugu yeeshaan iney si buuxda uga qeybgalaan hawgallada siyaasadeed, iyo arimaha bulshada iyo dhaqaalaha. 8.

Xisbigu wuxuu u taaganyahay hurumarinta mashruuca iskaashi goboleedka ee shucuubta iyo dawladaha Geeska Afrika (regional integration) iyo adkeynta calaaqaadka saaxibtinimo ee shucuubta iyo dawladaha caalamka.

Ujeedooyinka

1. Xisbigu wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa midnimada qaranka ayada oo la adeegsanaayo horumarinta iyo udoodidda cadaaladda iyo sinaanta oo ku imaan karta in si buuxda loo dhaqangeliyo qawaaniinta dalka, dhibaatooyinkii soo dhacayna lagu xalliyo farsamooyinka Cadaaladda Xilliga Kala-Guurka ah si waafaqsan dhaqanka shacabka Somaaliyeed. 2. Xisbigu wuxuu higsanayaa inuu noqdo xoogga siyaasadeed ee hogaamiya dib-u-dhiska iyo horumarinta hay'ado dawladeed oo casri ah ayadoo la adeegsanayo hannaanka dimoqraadiyadda iyo nidaam ku dhisan mudnaan, kana hortegaaya qaraabo-kiil, qof-jeclaysi iyo kooxeysi.

Ujeedooyinka

3. Xisbigu wuxuu u ololeynayaa dhismaha hay'adaha amniga oo tayo sare leh laguna barbaariyey dhawridda xuquuqda insaanka, kuwaas oo awood u leh xaqiijinta amniga dadweynaha iyo buuxinta baahida nabadgelyada qaranka.

4. Xisbigu wuxuu u doodayaa abuurista nidaam-xisaabeed hufan ee hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ah si looga hortago boobka hantida guud, maamul-xumada, musuqmaasuqa iyo canshuur la cararka.

Ujeedooyinka

5. Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hirgelinta nidaam dhaqaaleed ku dhisan kobcinta dhaqaalaha dadweynaha, abuuridda bay'ad soo jiidaneysa maalgashiga, la bixitaanka khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

6. Xisbigu wuxuu taageerayaa adeegsiga siyaasad firfircoon ee arrimaha dibadda oo xaqiijineysa danaha qaranka oo lagu horumarinayo iskaashiga shucuubta Geeska Afrika, calaqaadka iskaashiga sokeeye ee Somaaliya kala dhexeeya dalalka Afrika, Carabta iyo Muslimiinta, iyo in lala yeesho xiriir miisaaman ururada caalamiga ah iyo dawladaha aduunka si loo hormariyo nabadda, amaanka iyo iskaashiga u dhexeeya ummadaha.

Ujeedooyinka

7. Xisbigu wuxuu horumarinayaa arrimaha dhalinyarada ayada oo la siinayo fursado waxbarasho, loo dhisayo goobaha isboortiga iyo nasashada. Sidoo kale, dhalinyarada waxaa loo sameynayaa fursado shaqo-siin si ay u noqdaan kuwo ka qaybqaata hawlaha wax soo saarka iyo adeegga bulshada. 8. Xisbigu wuxuu horseedayaa fursado u abuuridda iyo dhiirrigelinta horumarinta awoodaha dumarka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha si ay u helaan qaybta ay xaqqa u leeyihiin ee siyaasadda, bulshada, iyo dhaqaalaha.

Ujeedooyinka

9. Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hawlaha samafalka ah ee ay ka shaqeeyaan hay'adaha aan dawliga aheyn iyo jamciyaadka sida ururada bulshada rayidka ah, madaxda dhaqanka, awqaafta iyo Sakada. Waxaa kale oo uu Xisbigu taageerayaa hal-abuurka ururadaas, korna u qaadayaa xiriirka hay'adaha dawladda iyo kuwa aan dawliga aheyn si loo ciribtiro saboolnimada iyo tabaalaysnaanta.

10. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa ciribtirka seef-la-boodnimo kasta, xoog adeegsiga iyo masuqmaasuqa loo isticmaalo in lagu gaaro ujeedooyin siyaasadeed. Si gaar ah Xisbigu wuxuu ciribtirayaa xagjirnimada loogu soo gabado magaca Islaamka, ayada oo la isticmaalayo istrateejiyad baahsan iyo hawlgallo isku-xiran oo leh iskaashi goboleed iyo mid caalami ah.

Ujeedooyinka

11. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa in la gaarsiiyo muwaadiniinta adeegyada asaasiga ah sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka qaybaha bulshada tabaaleysan iyo fulinta barnaamijyada dib-u-dejinta bara-kacayaasha iyo qaxootiga.

12. Xisbigu wuxuu horumarinayaa qurba-joogta Somaaliyeed, wuxuuna abuurayaa hay'ado ku habboon oo gaarsiin kara adeegyada ay u baahanyihiin. Dhanka kale, Xisbigu wuxuu ku boorrinayaa in ay ka qaybgalaan qurba-joogta Somaaliyeed arrimaha siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha iyo hurumarinta dhaqanka.

Tabaha Hawlgalka

Tabaha hawlgalka Xisbiga waxaa lagu soo bandhigayaa farsamooyinka fulinta ujeedooyinka, barnaamijyada, siyaasaadka iyo mawqifyada, waxaana ka mid ah: 1. Ururinta muwaadiniinta Somaaliyeed ee rumeysan aragtida mabaadi'da iyo ujeedooyinka Xisbiga si ay u noqdaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga, wadajirna uga qaybgalaan dib-u-dhiska qaranka si waafaqsan habka siyaasadda dimoqoraadiga.

Tabaha Hawlgalka

2. Dhisidda iyo joogteynta Hay'adaha Xisbiga heerka qaranka, dawladaha federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta si waafaqsan hannaanka dimoqoraadiga ah iyo maamul-wanaagga, taas oo u suuragelineysa xubin kasta inuu helo xuquuq iyo fursado loo simanyahay. 3. Horumarinta iyo soo shaac-bixinta hoggaan hufan ee heer qaran, dawladaha federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta ayada oo kor loo qaadayo mugga xubnaha, lagana qaybgelinaayo tartamada doorashooyinka dalka ee xafiisyada adeegga dadweynaha.

Tabaha Hawlgalka

4. Sameynta isbahaysi-siyaasadeed iyo iskaashi dhexmara Xisbiga iyo xisbiyada kale iyo hay'adaha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa si loo wada xaqiijiyo ujeedooyinka ka dhexeeya.

5. Adeegsiga warbaahinta casriga ah iyo qoraallada la daabaco si loo baahiyo siyaasadaha iyo barnaamijyada Xisbiga, loona gaarsiiyo arrimahaas taageerayaasha ugu badan.

6. Qabashada shirarka, dood-wadaagyada iyo tababarradda si loo carbiyo, loona layliyo xubnaha Xisbiga, loona fidiyo afkaarta iyo barnaamijyada Xisbiga.

Tabaha Hawlgalka

7.

Sameynta ololayaasha siyaasadeed iyo banaanbaxyo si kor loogu qaado abaabulka iyo taageerada dadweynaha, guulna looga gaaro doorashooyinka.

8. Horumarinta siyaasaadka, soo saaridda war-murtiyeedyada iyo soo bandhigidda mawqifka Xisbiga ee ku aaddan dhacdooyinka waaweyn iyo qadiyadaha dalka iyo dunida.

Dhismaha Guud ee Xisbiga

 Guddiga Fulinta Qaranka (GFQ)  Golaha Dhexe Qaranka ( GDHQ)  Guddiga Qaranka ee Shuruucda iyo Anshaxa (GQSHA)  Kutlada Baaralamanka Qaranka (KBQ)  Guddiga Fulinta Dawladaha Federaalka (GFDF)  Kongareesyada Dawladaha Federaalka ah (KDF)  Guddiga Anshaxa Dawladaha Federaalka (GADF)  Kutlada Baarlamaanka Dawladaha Federaalka (KBDF)  Laamaha Qurba-joogta (LQ)

Xubinnimada Xisbiga

1. Waxaa xisbiga xubin ka noqon kara ruux kasta oo Somaali ah da’diisuna gaartay 18 oo ku qanca mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha iyo barnaamijka Xisbiga, haddii aanu jirin qodob sharci ah oo ka horjoogsanaya in ay xisbiga ku biiraan.

2. Qofka xubin ka noqonaya xisbiga waa in uu ballanqaadaa in uu dhawrayo, kuna shaqaynayo mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha iyo barnaamijka Xisbiga.

Noocyada Xubinnimada

1.

Xubinnimo guud

: waxaa la siiyaa ruuxii xisbiga taageera laakiin aan isi saarin mas'uuliyaadka Xisbiga (sida bixinta qaaraanka rasmiga ah, kasoo qaybgalka shirarka iyo tabarradda).

2.

Xubin-sharafeed

: waxaa la siiyaa ruux ku mutaystay hawl uu u qabtay xisbiga dartiis.

3.

Xubinnimo rasmi ah

: waxaa la siiyaa ruuxii ka qaybgalaya hawlaha Xisbiga si dhameystiran sida ku tilmaaman xeer-hoosaadka.

Codsiga Xubinnimada

 Si qofku uu xubin uga noqdo Xisbiga waa inuu codsi xubinnimo u soo gudbiyaa laanta Xisbiga ee degmadiisa ama dalka uu uga noolyahay qurbaha. Codsiga waxaa lagu soo lifaaqayaa taageerada labo xubnood oo rasmi ah.  Xubin kasta oo Xisbiga ka mid noqota waxaa laga diiwaangelinayaa degmada ama faraca degaanka qurbaha ee uu ku noolyahay.

Diiwaangelinta xubinnimada

 Diiwaanka Guud ee Xisbiga waxaa la dhigayaa xafiiska Xoghayaha Guud iyo Xoghayaha Dawladaha Federaalka ah ee ay quseyso.

 Xubinnimada waxaa lagu keydinayaa xafiisyada Xoghayaha Guud iyo Xoghayayaasha Dawladaha Federaalka ah.

Lambarka Xubinnimada

 Xubin kasta waa inuu qaataa lambar muujinaaya degmada uu ku noolyahay oo laga rabo inuu ka hawlgalo.

Xilalka iyo Waajibaadka Xubnaha Rasmiga ah

1.

Dhowrista Axdiga aasaasidda, xeer-hoosaadka iyo siyaasadaha Xisbiga.

2.

Ka qaybqaadashada hirgelinta ujeedooyinka Xisbiga iyo barnaamijyadiisa.

3.

Ilaalinta sirta Xisbiga iyo ka difaacidda dicaayadaha.

4.

Bixinta joogtada ah ee qaaraanka Xisbiga si waafaqsan xeer-hoosaadka.

5.

Ka qaybgalka joogtada ah ee hawlaha iyo kulamada Xisbiga.

Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah

1.

Qaadashada aqoonsiga xubinnimada.

2.

Ka faa`iidaysiga dhismaha mugga iyo barnaamijyada tababarrada lagu tayeynayo awoodda iyo kartida xubnaha.

3.

In la dhegaysto, lana siiyo fursad ay kusoo gudbiyaan fikrado iyo hindisayaal lagu horumarinayo hay'adaha Xisbiga. 4.

Ka doodista iyo u codeynta arimaha Xisbiga.

Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah

5. In laga ilaaliyo Xisbiga dhexdiisa wax kasta oo sharaftiisa dhaawacaya. 6. Inuu dooran karo, isagana loo dooran karo xilalka kala duwan ee Xisbiga.

7. Waajibaadka iyo xuquuqda heerarka kala duwan ee xubinnimada waxaa xeerinaya xeer-hoosaadka Xisbiga.

Waajibaadka iyo Xuquuqda Xubinnimada Guud

1.

2.

3.

4.

5.

Ka qaybgelidda shirarka guud ee Xisbiga.

Ka qaybgelidda tababarrada iyo wacyigelinta guud ee Xisbiga.

Qaadashada aqoonsiga xubinnimada guud Ka qaybgelidda doodaha lagu hormarinayo hawlaha xisbiga.

Ka qaybgelidda ololayaasha doorashooyinka iyo qaraan u ururinta murashixiinta.

.

Luminta Xubinnimada

 Xubinnimada Xisbiga waxaa lagu waayi karaa geeri, is-casilid iyo casilid. Hannaanka waayitaanka xubinnimadana waxaa habeynaya xeer-hoosaadka Xisbiga.

Macluumaad Dheeri Ah

 Website ( english): http://midnimoqaran.so/eng/index.php/en/  Website (Somali): http://midnimoqaran.so/som/index.php/en/  Facebook: https://www.facebook.com/XisbigaMidnimoQaran  Email: [email protected]