XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad

Download Report

Transcript XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad

XISBIGA MIDNIMO QARAN
Midnimo – Nabad - Barwaaqo
TABABARKII 2aad
GOGOLDHIG:
1. Tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991,
Soomaliya waxay ku guuldaraysatay inay dhisto
dawlad xasilisa dalka. Si looga baxo xaaladdaas,
Somaliaya waxay u baahan tahay dib-udhis
qaran oo dhan walba leh.
2. Si loo gaaro yoolkan waa in la helaa axsaab
siyaasadeed, si looga gudbo beel-wax-kuqaybsiga looguna tallabsado doorasho xor ah.
3. Si loo xaqiijiyo arrintaas ayaa la asaasay Xisbiga
Midnimo Qaran 26kii febraayo 2014.
4. Xisbigu wuxuu qortay barnaamij siyasadeed oo qabyo
qoraal billow ah oo ka tarjumaya aragtida Xisbigu,
oona tusmaynaya wuxuu xisbigu kaga duwanyahay
axsaabta kale dalka.
5. Barnaamijkan waxa si ku-meel-gaar ah u ansixiyay
golaha dhexe ee Xisbiga MQ shirkiisii 1aad oo ka
dhacay Moqadisho 30kii may 2014, dib-u-eegisna lagu
sameey doono 2 sano gudohooda.
6. Barnaamijakan qabyo qoraalka wuxuu ka kooban
yahay 16 qodob oo xisbigu u arkay in ay muhiim u
yihiin jidka dib-udhiska qaran iyo midka dawladeed.
16ka Qodob ee Barnaamajka Xisbiga
1. Maamulka
2. Amniga Qaranka
3. Siyaasadda Arimaha Dibadda
4. Dhaqaalaha
5. Garsoorka
6. Daryeelka Caafimaadka
7. Waxbarashada
8. Daryeelka Bulshada
9. Tayeynta iyo Kobcinta Dumarka
10. Tayeynta iyo Kobcinta Dhalinyarada
11. Tamarta
12. Bay’ada
13. Isgaarsiinta
14. Saxaafadda
15. Gaadiidka iyo Jidadka
16. Soomaalida Qurbajoogta ah
1. MAAMULKA
• Maamul xumadu waa sababta ugu wayn ee
qaran-jabka Soomaaliya, waana tan ugu wayn
ee caqabada ku ah dib-u-dhiska maanta.
• Siyaasadda xisbiga ee dhinaca maamulku waa
“In la dhiiri-galiyo sidii loo abuuri lahaa islaxisaabtan cad, loogana hortago maamul-xumo,
musuq iyo cashuurta oo lala fakado”.
Xisbigana wuxu maamulka ku hagi doonaa
xaqiijinta tiirasha maamulka suuban:
• Isla-xisaabtanka cadcad (acountability);
• Xuquuq loo siman yahay (equal opurtunity);
• Hirgalinta sharicga;
• Tixgalinaya doorka deeq-bixiyayaasha iyo
maalgeshiga;
• Qaab-dhismeed dawladeed oo macquula
(feasible structure);
• Shaqo ku dhisan xirfad iyo maamul aqoon;
• Howlaha dawlada laga ilaaliyo eex iyo qof-jeclaysi.
• Xilalka dawlada loo dhiibo dad tusaale noqon kara,
lehna maamul wanaag bulshadana ugu adeegaya si
ku dhisan ixtiraam, islaweyni lahayn (humbleness).
• In la abuuro dhaqan wada-shaqayn iyo iskaashi kaas
oo ka dhexeeya dhamaan hay’adaha dawaladda.
• In la abuuro hanaan tabashada iyo cabashooyinka
muwaadiniinta lagu xaliyo;
2. AMNIGA QARANKA
• Somaaliya waxay u baahantahay hab cusub
oo dib loogu dhiso awoodaha hay’adaha
amniga Qaranka, lana dhiso hayado amni
oo damaanad qaadi kara illaalinta
xuquuqda dadka iyo tan deegaanka;
• Xisbigu wuxuu mudnaanta
arrimaha amniga ee soo socda:
siinayaa
1. In la dhiso lana horumariyo dhamaan hay’adaha
amni qaran;
2. In la dhiso lana horumariyo xoog boolis oo xirfad
& awood u leh hirgeilinta sharciga & xaqiijinta
amniga dadweynaha;
3. In la dhiso lana horumariyo xoog difaac Qaran oo
xaqiijin kara hadafka amniga qaranka;
4. In la dhiso lana horumariyo hay’ada sirdoonka
qaranka oo kartina u leh fullinta waajibaadkooda
qaran;
5. In la bedelo sawirka soo jireenka ahaa ee
hayadaha amnigu inay yihiin aalado caddaadis,
loona bedelo kuwo si anshax leh ugu adeega
umadda.
6. In loo fidiyo hay’adaha amniga taageero aaladeed
(qalab), mid farsamo iyo kobcinta garaadka
shaqaalaha;
7. In la siiyo fursado siman dhammaan
muwaadiniinta ku kala nool degmooyinka dalka
inay ka mid noqdaan shaqaalaha amniga qaranku;
8. In la aasaaso xidhiidh iyo iskaashi amni gobolleed
iyo mid caalami ah si looga hortago danbmiyada
abaabulan iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka.
3. SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADA.
• Somalia waa inay beddesho siyaasadihii
faashilka ahaa ee dagaal-u-joogga ahaa ee
Somaliya kala dhexeeyey dalalka jaarka ah;
• Qorshaha siayaasadda arimaha dibadda ee
xisbiga MQ wuxuu ku salaysanyahay:
1. Xaqiijinta iskuxidhka iyo xidhiidh lala
samynayo wadamada gobolka & dalalka
caalamka.
2. In la hirgaliyo hanaan nabadeed dhamaystiran, lana
taageero iskuxidhka wadamada xubnaha ka ah urur
goboledyada ay Somalia xubinta ka tahay;
3. In mudnaan la siiiyo kor u qaadida awooda
siyaasadeed loona marayo siyaasad xirfadaysan,
cudud shaqaale oo tababaran iyo aqoon farsamo;
4. Kaalin muuqata iyo waxqabad ay Somaliya ku dhex
yeelato gudaha ururada kala duwan oo ay Somaaliya
xubinta ka tahay.
5. In xirii gaar ah lala yeesho dalalka ay ku suganyihiin
muwaadiniin qurbojoog Soomaaliyed iyo kuwa
matigeliyey qaxootiga Soomaaaliyeed, lagana
shaqeyo daryeelkooda iyo dib u soo celintooda.
6. In dib loo hagaajiyo sumcaddii xummaatay ee
Soomaalida, lana soo celiyo tixgelintii ay Somaliya
ku dhex lahayd buloshada caalamka;
7. In la abuuro xiriir xisbigu la leeyahay xisbiyada kale
ee gudaha iyo kuwa dalalka kale, si loo xoojiyo
saaxiibtinimada, khibradaha la wadaago;
4. DHAQAALAHA
• Dib-u-curinta dhaqaaluhu wuxuu ku salaysnaan
doonaa khayraadka dalkeena sida beeraha,
xoolaha, kaluumaysiga, kheyraadka macdanta, iyo
ka faa-ideysiga ganacsiga stratejiga ah:
1. Diyaarinta jawi dhiiri gelinaya ganacsiga gaarka ah
taaso kordhineysa shaqo abuurka, halbawlana u ah
kororka hantida.
2. Diyaarinta sharci lagu hago maaraynta maaliyadda
qaran, xakamaynta kharshka dawladda, iyo
ilaalinta hantida guud ee dawladda.
3. Ka faa-ideysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo qiimedhiska, warshadeynta iyo suuq-geynta xirfadeysan.
4. Abuuridda jawi sahlaya maalgashiga sokeeye iyo ka
shisheeye, lana abuuro dhaqaale fadhiya, kuna
dhisan ganacsi kala duwan.
5. Soomaliya noqoto suuq ganacsi oo xor ah iyo
albaabka ganacsi ee isku xira Afrika iyo dalalka ku
teedsan gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.
6. Mutnaan la siiyo horumarinta dhaqaalaha soo
jireenka ah sida beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga
lana casriyeeyo wax-so-saarkooda.
5. GARSOORKA
• Sanadkii 1991kii waxaa burburay dhamaan
hay’adahii sharci dejinta, hayadihii kale ee
shariciga wax ku xukumi lahaa, iyo kuwi
xukun fulinta.
• Tan iyo sanadkii 2000, shirkii dib u
heshiisiinta ee Jabuuti, waxaa la goa’amiyay
in Shareecada islaamiga noqoto marjaca
shuruucda dalka loo dejiyanayo. (DKM 3.1).
• Madaxda dawladdihi naso maray waxay baabiiyeen sareynta qanuunka si ay fursad ugu helaan
ku takri falka hantida guud.
• Ujeedooyinka Xisbiga MQ dhinaca caddaaladda
waa:
1. Ku dhaqanka shareecada islaamka, loo marayo
Itijihad , iswaaafajinta xeerarka dhaqanka iyo
diinta.
2. Abuurista nidaam sharci dejin oo madax banaan,
kana hawlgala heer qaran, gobol iyo degmo;
3. Dib u dhiska iyo dayactirka wixii ka haray
kaabayaashii hay’adihii sharciga dejinta;
4. Samaynta qaab tababar joogto ah oo abuura
shaqaale daacad ah, tayo iyo aqoon u leh,
mihnadooda shaqo;
5. Sugidda xuquuqda dhaqaale, caafimaad iyo
degaan si hawlwadeenada u helaan nolol fiican;
6. Si loo helo caddaald sugan, in si weyn loola
diriro laaluushka, iyo eexda ku habsatay
garsoorka.
7. Dib u habayn in lagu sameeyo nidaamka
xabsiyada iyo ciidanka asluubta iyo booliska,
lana helo nidaam lagu ilaaliyo sharafta
insaanka.
6. DARYEELKA CAAFIMADKA
• Tan iyo 1991, waxaa burburay dhamaan
kaabayaasha caafiaamadka. Shaqaalihii
aqoonta u lahaa caafimaadka ayaa qaarna
dhinteen, qaarna carareen, kuwa kalena
noqdeen hawlgab;
• Hayado ganacsi gaar ah, iyo kuwo samafal
wadani iyo caalami isugu jira ayaa la
wareegay dhamaan adeegyadii caafimaad
sida: xarumo caafimaad, daaweynta, soo
dejinta daawada, soo saarka xirfadlayaal iyo
dhaqaatiir;
• Xisbigu wuxuu muhimad siin doonaa barnaamijka
aasaasiga daryeelka caafimaadka:
1. Dardargelinta caafimaad aasaasiga ah: fayadhowrka,
daryeelka hooyada iyo caruurta, iyo ciribtirka
cudurada faafa.
2. Abuurista nidaam qaran oo isku xiran, oo ka dhexeya:
dawladda, ganacsatada iyo hay’adhaa samafalka.
3. Abuurista goobaha caafimaad ee dawladdeed sida
isbitaalada, xaruumaha MCH, iyo farmashiyaal oo
tayo sare leh;
4. Horumarinta shurrurcda iyo hanaanka lagu
maamulo caafimaadka, iyo diiwaangelinta
xirfadlayda caafimaadka, lagana ilaaliyo beenabuurka;
5. Sugista caymiska daryeel caafimaad, lana
waafajiyo mabaadiida islaamka iyo kan
ganacsiga gaarka ah, loona dhigo hanaan lagu
tashan karo;
7. WAXBARASHADA
• Waxbarashadu waa furaha beerista
shaqsiyadda waddaniyadeed, saldhigna u ah
isdhexgalka bulshada.
• Xisbiga Midnimo Qaran wuxuu aaminsan
yahay in Soomalidu tahay Jinsi Islam, Afrikaan
iyo carab ah, kala duwanaashahana inuu
faaiido u yahay xiriirka aan la leenahay
ummadaha kala duwan ee aan maanta ka
midka nahay.
• Bilawgii
dagaalkii
sokeeye
,
haykalkii
waxbarashada
wuu
burburay,
dib
u
noolaynteediina waxaa gacanta ku dhigay
uururrada buslshada iyo ganacsato, kuwaasoo
abuuray nidaam waxbarasho oo aan dawlad ku
tiirsanayn.
• Waxbarahada maanta jirta waxaysan lahayn
mabaadiida hogaamin iyo manhaj haga oo
qaran, halbeegyo isku mid ahna leh, waxaana
maqana cududu shaqaale oo u tababaran.
• Haddaba barnaamijka xisbiga ee waxbarashada
waa sidan soo socota:
1. Siyaasadda qaranka ee waxbarshadu waa inuu
xoojiyo midnimada qaranka, horumariyo dareenka
waddaninimo, dhaqanka dimoqraadiga ah iyo
ilbaxnimo masuuliyadaysan.
2. Abuurista gole qaran oo haga waxbarashada hoose
iyo tan sare, kaasoo awood u haysta qorsheynta
iyo dejinta halbeegyada manahijta tacliinta;
3. In la abuuro iskaashi dawladda iyo ganacsiga xorta
ah ee xagga maalgashiga iyo hormarinta tacliinta.
5. Dhaqangelinta waxbarashada aasaasiga oo lacag
la’an la siiyo dhamaan caruurta, una siman yihiin
ragga iyo haweenka;
6. In la abuuro macaahid teknoolajiyadeed iyo
xaruumo soo saara dad leh mihnado farsamo kala
duwan, shaqo abuurna u sameeya dad badan;
7. In wax lagu barto Af-ingriis , sidoo kalena Somali iyo
carabigu loo qaato luqadda rasmiga ee
waxbarashada manhajka iyo barnaamjiyada.
8. In hanaan waxbarasho loo abaabulo dadka dadka
waweyn, kuwa laxaadka dhiman, sida: curyaaminta,
indhoolayaasha, dhagoolayaasha, iwm.
8. DARYEELKA BULSHADA
• Dagaalkii sokeeye wuxuu keenay dhib bulsho
oo aad u weyn, una baahan in Dawladda,
xoogaga bulshada ,hay’adaha aan dawliga
ahayn iska kaashadaan.
• Kooxaha daryeelka u baahan waxaa ka mid ah:
agoonta,caruurta aan waalidkooda la aqoonin,
curyaamada, dadka da’da ah, kuwa dhimirka
looga jiro, fuqarada, barakacayasha, qaxootiga
so noqday, iyo dadka laga tira badahnyahay
inay helaan xuquuqdooda dhaqan-dhaqaale
(DKM 27;5);
• In la dhiiri-geliyo abuurista ururo bulsho oo
ka wada shaqeeya danaha u gaarka ah
kooxahaas dhibaataysan iyo inay ka qayb
qaataan siyaasadaha la xiriira danaha
kooxahaas.
• Xisbiga wuxuu habeyn doonaa isku-xirka iyo
wada-shaqaynta hay’adaha dawladda, kuwa
gaarka loo leeyahay, Ururada bulshada,
kuwa samafalka, kuwa waqfiga, iyo kuwa
sakada- si looga adkaado faqriga.
9. TAYAYNATA IYO KOBCINTA HAWEENKA
•
waxaa nasiib darra ah in qaybo ka mid ah dhaqanka iyo
islaamka si khaldan loo fahmay taasna ay sababtay in
dumarka fursadooda ku aadan ka qayb galka siyaasadda,
arimaha bulshada , iyo dhaqaalaha la hor istaagao..
•
Aqoonta islaamka oo kobocday iyo fahamka dhexdhexaadka oo xogaystay, iyo korniinka ururada bulshada
waxay sababeen dawrka dumarka oo kor soo aaday
dhinaca tacliinta, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
•
Hadafka xisbiga ee ku aadan dumarka waa ‘ in la
horumariyaa loona abuuraa dumarka soomaliyeed
fursado ay uga qayb qaadan karaan siyaasadda,
dhaqanka iyo dhaqaalaha;
1. Xisbigu wuxuu u ololeey doonaa in siyaasadaha
dawladda lagu daro arimaha horumarinta haweenka;
2. Xisbigu wuxuu xaqiijin doonaa in si siman ragga iyo
dumarkuba uga fa’idaystaan barnaamajyada
daryeelka bulshada sida tacliinta qaybaheeda kala
duwan, caafimaadka, shaqo siinta, iyo adeegyada
kaloo dhan.
3. In loo ololeeyo in dumarku in si mug leh u bartaan
diinta islaamka si loo soo saaro dumar aqoon sare u
leh diinta islaamka oo difaacaan kara
xuqquuqdooda;
4. Xisbia wuxu u ololeyn doonaa barnaamajyo
loogana hortago shaqaaqooyinka guryaha ka
dhaca, gudniinka fircooniga ah, iyo cunsurinimada
logula dhaqmo haweenka.
5. Horumarinta, dhiirigalinta iyo kobcinta dumarka si
ay uga qayb qaataan dhismaha dawladda, goa’an
qaadashada arimaha qoyska, bulshada, xisbiga iyo
dawladda.
6. Samaynta ururo bulshadeed dumar, Hay’adaha
aan dawliga ahayn ee heer federaal, mid gobol,
mid degmo iyo qoobaha dumarka qurbajoogta,
ayagoo kaalin mug weyn ku leh arrimaha
midnimada qaran.
10. TAYAYNTA IYO KOBCINTA DHALINYARADA
• Dhallinta soomaliyeed waxaa lagu qiyaasa iney
yihiin bar tirade guud ee waddanka, taas oo ka
dhigaysa soomaliya waddan dhalinyaro.
• Dhibaatooyinka dhallinta waxaa ka mid ah shaqo
la’an, ka qayb-qaadashada siyaasadda oo kooban,
qalabka iyo garoomada ciyaaraha oo burbursan,
aqoon darro, tababar la’an baahsan, hoos u dhaca
iyo xagjirnimo qabiil iyo mid diineed.
• Xisbiga barnaamijkiisa ku aadan Tayaynta iyo
kobcinta dhallintu waa:
1. In siyaasadaha qaranka lagu daro hirgalinta
barnaamijyada khuseeya dhallinta iyadoo lala
kaashanyo hay-adaha aan dawliga ahayn.
2. Abuurista golayaal hoggaan dhallinyaro oo
dhalinta ku haga ka qaybgalkooda arimaha
bulshada , dhaqaalaha , siyaasadda iyo dib-udhiska.
3. Dhiiri galinta abuurida ururo bulsho dhalinyaro
kana abuurmaan heer federaal, mid gobol, mid
degmo iyo qurbajoogta;
4. Horumarinta dhismaha jirka, anshaxa iyo ruuxda
dhallinyarada, dareenkooda wadaninimo iyo
fahamkooda qiyamka islaamka, lana hakameeyo
xag-jirnimada.
5. Dhiirigalinta in la abuuro barnaamijyo tababaro
farsamo iyo shaqo abuur;
6. Dhaqan-celinta kuwa ku fogaaday balwadaha iyo
xagjirnimada, xanaanaynta, curyaamada,
ciyaalka lagu shaqaysto, caruurta la askareeyo,
iyo agoonta.
11. TAMARTA
•
Soomaliya waxay qani ku tahay khayraadkeeda kala
duwan ee aan wali lasoo saarin, sida betrool, gaaska,
yuraaniyaam, biro kala duwan, cusbo iyo kuwa kaloo
abdan.
•
Sidoo kale, maadaama Soomaliya ku taallo dhulbaraha
dunida waxay qani ku tahay tamarta qoraxda iyo
dabeysha oo laga dhalin karo koronto badan. Labada webi
ee Juba iyo Shabelle sidoo kale waxaa laga dhalin karaa
tamarta korontada.
•
Kolkii dawladdii dhexe bur-burtay waxaa la burburay
warshadihii korantada dhalin jiray, waxaa badalay
shirkado yar yar oo shida matoorro yar-yar oo qiimahoodu
aad qaali u yahay.
Barnaamijka tamarta ee Xisbigu MQ waa:
1. In la dhimo isticmaalka tamarta dhulka hoose laga
qodo lana badiyo ka fa’ideysiga tamarta laga
dhaliyo qoraxda, dabaysha, biyaha iyo kulka dhulka
hoose (geothermal);
2. In la dhimo baahida loo qabo isticmaalka dhuxusha
, alwaaxda si loo yareeyo saamaynta bay’ada loona
joojiyo dhoofintooda.
3. In la diyaariyo shaqale aqoon u leh soo saarka
tamarta iyo adeegsiga aaladda tiknoolajiyada loo
isticmaalo tamarta.
4. In la soo saaro betroolka iyo gaaska, lana ilaaliyo
bay’ada, lagana dhowro ku tagrifalka shirkadaha
shisheeye, lana socda sicirada suuqa caalamiga.
5. Dib-udhiska xarumo dhaliya tamarta iyo iskuxirka
shabakad korantada qaranka, si waafaqsan heerka
caalamiga ah.
6. Abuurista iskaashi caalami ah iyo mid goboleed
ee korontada, iyo in la ilaaliyo heshiisyadii
caalamiga ee wax-ku-ool u aha dalkeena.
12.BAY’ADA
•
Hoos u dhaca ku yimaada tayada bay’ada wuxuu ka mid
yahay arimaha ugu waawayn ee sababa faqriga.
•
Bay’ada oo xumaata waxaa ka mid ah hoos u dhaca tayada
carrada, biyaha iyo hawada. Waxaana tirtirma noocyo qaali
ah oo ka mid ah duur-joogta, geedaha iyo kallunka.
•
Si loo xafido bay’ada, waxay u baahan tahay go’aan
siyadsadeed iyo sharciyayn looga hortagayo xadgudubyada
loo geysto bay’ada.
•
‘Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo bay’o nadiif ah
oon khatar ku ahayn cafimaadkiisa, waana in laga ilaaliyo
bay’o sumaysan iyo shay walbo wax u dhimi kara. (DKM 25:1)
Xisbiga MQ borograamkiisa bayadu waa sidan:
1. In degdeg loo joojiyo xawliga hoos-u-dhaca
bay’ada ee hadda taagan;
2. In dib-loo soo celiyo nidaamkii dabeeciga ahaa
ee koritaanka bay’ada asaliga ah.
3. In la sameeyo wacyi galin muwadininta lagu
barayo ahmiyada ay leedahay wanaajinta
bay’ada, kana qayb qaataan wanaajinteeda.
4. Horumarinta siyaasadaha lagu ilaaliyo
maaraynta bayada iyo khayraadka dabiiciga ah;
13. ISGAADHSIINTA
• Helitaanka isgaadhsiin lagu kalsoonaan karo waa
arimaha ugu muhiimsan ee qayb qaata horumarinta
dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee qaran walba.
• Markii dawladii soomaliyeed burburtay 1991kii ,
shirkado isgaadhsiin gaar loo leeyahay ayaa soo
baxay; Waxayna 1998dii samaysteen Isu tagga
shirkadaha isgaadhsiinta soomaliyeed.
• Xisbiga MQ waxaa hadaf u ah in la abuuro iskaashi
wada shaqayn oo dhex-mara dawladda iyo shirkadaha
isgaadhsiinta;
Barnaamijka Xisbiga ee ku aaddan isgaadhsiinta waa
sidan:
1. Waa in la hirgaliyaa sharcigga isgaadhsiinta oo
ilaalinaya danta muwaadiniinta iyo tan shirkadaha
isgaarsiinta.
2. Waa in shirkadaha isgaadhsiintu is wada wici karaan
kana heshiiyaan qaabka ay lacagaha isku siinayaan, si
loo ilaaliyo danta shacabka iyo midda shirkadahaba.
3. Dhiiri galin isgaadhsiinta casri ah, internetka iyo
arimaha la xiriira si loo horumariyo dhaqaalaha,
isdhex-galka bulsho, waxbarshada iyo caafimaadka.
4. In laso xidho xiriir hay’adaha isgaadhsiinta
caalamiga si looga faa’idaysto khibradaha
dunida kale.
5. In la raadiyo maalgashi caalami ah oo
isgaadhsiineed lana ilaaliya danaha
muwadiniinta, shirkadaha wadaniga ah iyo
amniga qaranka.
6. Dhiiri-galinta khubaro aqoon u leh
isgaadhsiinta casriga ah si aan looga hadhin
xawliga isbadalka teknolojiyada isgaadhsiinta.
14. SAXAAFADDA
• Tan iyo 1991kii, waxaa soo baxay shirakado tira
badan oo saxaafadda ka shaqeeya gudaha iyo
dibadaba. Wax sharci ah oo xakamaynaya maysan
jirin tan iyo 2007dii.
• Saxaafaddu waa iney horumarisaa wacyi galin guud,
aqoon, iyo iney faafiso fikir iyo xog sax ah.
Barnaamijka saxaafadda ee xisbiga MQ waa:
1. In labuuro dhaqan saxaafadeed ilaaliya midnimo
qaran horumarinta bulshada, kana hortaga faafinta
nacaybka.
2. In la xaqiijiyo xornimada saxaafadda lana ogolaado
helidda xogta sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka
ah.
3. In laga hortago in saxaafdda ay faafiso xog been
abuur ah oo lagu dhaawacayo amniga qaranka iyo
tan muwaadiniinta.
4. In la hirgaliyo qodobka anshaxa saxaafadda, lana
kaashado talada iyo aqoonta shaqaalaha saxaafadda.
5. Abuurista golaha qaranka ee saxaafadda oo madax
banaan, waana gole ay ku tashtaan xirfadlayda
saxaafadda.
6. Abuurista xeerka lagu ilaaliyo adeegga bulshada (iidheda) si loo hanto anshaxa iyo dhaqanka islaamka.
7. in macaahidda iyo jaamacadaha lagu dhiiri galiyo
inay soo saaran shaqaale saxaafadeed oo aad u
carbisan, lana horumariyo af Soomaliga saxaafadda.
8. Dhiirigalinta xiriir saxaafadda gudaha iyo tan
dibadda si ay isu waydaarsadaan khibradaha, xogta
iyo tababaarda.
15. GAADIIDKA IYO JIDADKA
• Gaadiidku wuxuu muhiim u yahay si loo
gaaro suuqa iyo adeega asaasiga ah, iyo isu socodka dadka iyo badeecada, kobcinta
dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
• Goobta joqoraafi ee Somalia kaga taallo
Afrika waxay fursad u tahay in laga faaideysto isku xirka gaadiidka badda, cirka iyo
dhulka ee wadamada Geeska Afrika, Carabta
iyo dalalka Asiya.
Siyaasadda xisbiga ee gaadidku waa.
1. In la sameeyaa sharciyo lagu ilaaliyo ammaanka
gaadiidka iyo isu-socodka,
2. La dhiso kaabayaasha jiadadka, buundooyinka iyo
dekedaha si loo gaaro goob kasta oo dalka ah, qiime
jabanna lagu adeegto.
3. Horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha gaadiidka iyo
ganacsiga waa inay la jaanqaadaa dhowrista bay’ada;
4. Abuurista iskaashi gudaha iyo mid caalami si loo si loo
dhiso, loona casriyeyo maaraynta gaadiidka iyo
kaabayasha.
5. In ahmiyadda gaar ha la siiyo abuurista
dekedo iyo jidad isku xira xeebaha dalka
si loo maalo khayraadka badda iyo
xeebaha ugu dheer Afrika.
6. Soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo
iskaashi si loo abuuro kaabyaasha gaadiidka
sida jidadka tareenada,dakadaha,garoonada
diyaaradaha iyo jidadka waaweyn.
7. Soo saaridda xoog shaqaale oo tababaran
kana shaqeeya qayabaha gaadiidka,
waxaana soo saari wadashaqayn lala yeesho
jaamacadaha, macaahidda tababarka iyo
kolajyada farsamada gacanta.
8. Horumarinta iyo iskaashiga xiriirka
caalamiga ah ee gaadiidka si laisu waydaarsado khibradaha loona sameeyo
ganacsi la wadaago.
16. SOOMALIDA QURBAJOOGTA AH
• Waxaa lagu qiyaasaa 20% oo u dhiganta laba
milyan oo muwaadiniin Soomali ahi iney ku
noolyihiin dibadda.
• Bangiga
aduunku
wuxuu
ku
qiyaasay
qurbajoogtu sannad waliba iney dalka uso diraan
lacag ka badan hal bilyaar $$.
• Maalkan wuxuu aadaa ganacsiga gaarka ah,
hantida maguurtada ah, tacliinta qoyska, iyo
nolosha reeraha.
• Sidaa darteed Xisbiga MQ wuxuu qurbejoogta
Somaliyeed ku bogaadinayaa kaalinka ay ka
qaateen daryeelka umaddooda iyo dhismaha
dalka oo la’aantood noloshu ay ciriiri noqon
lahayd.
• Xisbiga borograamkiisa qurbajoogtu
wuxuu ahmiyadda siin doona :
1. Abuurista wasaaradda/ hay’ad arimaha
qurbajoogta oo xiririsa qurbajoogta ah iyo
waddanka, xoojisana xiriirka iyo iskaashiga
wadamada ay joogaan iyo soomaliya.
2. In laga furo safaarado, qunsuliyado iyo xiriir
gancsiga waddan walba oo soomalida
qurbajoogtoodu ku xooggan yihiin.
3. In safaaradaha goobahooda ku yaal laga diiwaan
geliyo qurba-joogta si ay uga qayb qaataan
doorashooyinka waddanka dhacaya.
4. Dhiiri galin iyo tixgelin lala siiyo mashaariicda
dhaqaale ee ay wadagaan qurbajoogta iyo
shirkadaha wadamada ay joogaan.
5. Dhiiri-gelin abuurista adeegyo ku haboon qoysaska
qurbajoogta ah ee soo noqonaya iyo fududeynta
dhexgalka dadkooda.
XISBIGA MIDNIMO QARAN
Midnimo – Nabad – Barwaaqo
Email: [email protected]
Website: www.midnimoqaran.so
Facebook: XisbigaMidnimoQaran