Fahamka Axdiga Ku-meelgaarka ah ee XMQ

Download Report

Transcript Fahamka Axdiga Ku-meelgaarka ah ee XMQ

XISBIGA MIDNIMOQARAN
MIDNIMO NABAD BARWAAQO
SOMAALIYA
©2014
HALKUDHIGYADA XISBIGA
The National Unity Party



Suuragal ma aha inaan Somaaliya isbedel ku
sameeno haddii ugu horeyntii aanan bedelin
aragtideena, hab-dhaqanka ururadeena iyo qaabka
aan uwajaheyno siyaasadda.
Ilaahey ma bedelaayo xaaladeena ceebta iyo sharafdarada ah ee aan ku jirno xiligaan, haddii aanan
nafteena isbedel ku sameynin.
Ma rabno inaan ku noolaanno gacma-hoorsiga
beesha caalamka, ma dooneyno inaan qaxooti ku
noqono wadamo dad kale leeyihiin, waxaan rabnaa
inaan dalkeena kula noolaano sharaf iyo barwaaqo.
XISBIGA IYO DASTUURKA KMG
The National Unity Party

Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay: (a) inuu
abaabulo, aasaaso, ka qeyb galo ururo siyaasadeed, shaqo
xirfad ama bulsho oo waafaqsan sharciga, iyadoon amar la
soo weydiin Dowladda. Axdika KMG, qodobka 16.

Sida sharcigu qabo, dhammaan muwaadiniinta waxay xaq
u leeyihiin inay ka mid noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo
leh qorshe siyaasadeed oo si cad u qeexaya hadaf
siyaasadeedkooda qaran. Axdika KMG, qodobka 22.
HORDHAC


The National Unity Party
Asaasayaasha Xisbigu waxey ku qanacsan yihiin in xisbigu
barbaarin karo hogaanka siyaasadda, lagu abaabuli karo
bulshada, laguna hagaajin karo xiriirka ka dhexeeya bulsho
ku dhisan qabiil iyo Islaam, iyo dawlad ku saleysan
muwaadinnimo. Xisbigu wuxuu heshiisiinayaa dawladda iyo
bulshada, dhaqanka iyo arimaha casriga ah.
Axdigaan ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Midnimo-Qaran
waxaa lagu maamulayaa hawlaha Xisbiga muddo labo sano
aan ka badneyn laga bilaabo 26 Feberaayo, 2014.
Muddadaas labada sano ah gudohooda, waxaa dib-u-eegis
lagu sameyndoonaa Axdigaan si looga dhigo dastuurka
rasmiga ah ee Xisbiga, waxaana lagu ansaxinayaa
shirweynaha Xisbiga.
MABAADI’DA GUUD
The National Unity Party
1. Xisbigu wuxuu si aan laab-laab laheyn ugu dheggan yahay
mabaadi'da lagu dhisay Dastuurka Jamhuuriyadda
Federaalka Somaaliya oo ka dhigtay Islaamka marjac kama
danbeys u ah qawaaniinta dalka, wuxuu u doodayaa in si
dhexdhexaadnimo ah loo fasiro Islaamka, tilaabo-tilaabo
loo hirgeliyo, lagana hortago kala qaybsaanta bulshada iyo
seef-la-boodnimada.
2. Xisbigu wuxuu u taagan yahay soo celinta iyo dhawridda
midnimada Qaranka, iyo isku duubnida bulshada dagaalka
sokeeye burburiyey ayada oo la adeegsanaayo
farsamooyinka Cadaaladda Xilliga kala-Guurka ah oo ka
shiidaal-qaadaneysa dhaqanka dadka iyo diinta Islaamka.
MABAADI’DA GUUD
The National Unity Party
3. Xisbigu wuxuu rumeysan yahay xornimada qofka iyo
xuquuqda bulshada, xukunka dimoqraadiga ah iyo
adeegsiga mabaadi'da wada-tashiga ayada oo la
adeegsanaayo doodaha furan iyo wada-tashiga bulshada.
4. Xisbigu wuxuu horseedayaa sareynta sharciga,
hay'adeysnaanta, federaalaynta, kala qaybsanaanta
awoodaha hay'adaha dawladda iyo madax-banaanida
garsoorka.
5. Xisbigu wuxuu utaagan yahay dhawridda karaamada
insaanka iyo xuquuqdiisa assasiga ah, iyo sinaanta
dhamaan muwaadiniinta iyo helitaanka adeegyada
bulshada.
MABAADI’DA GUUD
The National Unity Party
6. Xisbigu wuxuu ku baraarugsan yahay ahmiyadda ay leedahay
horumarinta dhaqan-dhaqaale, taas oo muwaadin kasta la
gaarsiinayo adeegyada bulshada iyo fursadaha shaqo siinta
ayada oo dhaxal-qarameedka iyo ba[y]'ada si habsami ah loo
dhawrayo.
7. Xisbigu wuxuu rumeysan yahay ahmiyadda ay leedahay in laga
qaybgeliyo dumarka iyo dhallinyarada siyaasadda iyo in la
dhiso muggooda si ay awood ugu yeeshaan iney si buuxda uga
qeyb galaan hawgallada siyaasadeed, iyo arimaha bulshada iyo
dhaqaalaha.
8. Xisbigu wuxuu u taagan yahay hurumarinta mashruuca iskaa-shi
goboleedka ee shucuubta iyo dawladaha Geeska Afrika (
regional integration) iyo adkeynta calaaqaadka saaxibtinimo ee
shucuubta iyo dawladaha caalamka.
UJEEDOOYINKA
The National Unity Party
1. Xisbigu wuxuu mudnaanta 1aad siinayaa midnimadaqaranka ayada oo la adeegsanaayo horumarinta iyo
udoodidda cadaaladda iyo sinaanta oo ku imaan karta
in si buuxda loo dhaqan-geliyo qawaaniinta dalka,
dhibaatooyinkii soo dhacayna lagu xalliyo
farsamooyinka Cadaaladda Xilliga Kala-Guurka ah si
waafaqsan dhaqanka shacabka Somaaliyeed.
2. Xisbigu wuxuu higsanayaa inuu noqdo xoogga
siyaasadeed ee hogaamiya dib-u-dhiska iyo horumarinta
hay'ado dawladeed ee casri ah ayadoo la adeegsanayo
hanaanka dimoqraadiyadda iyo nidaam ku dhisan
mudnaan, kana hortagaaya eexda, qaraabo-kiilka, qofjeclaysi iyo kooxeysi.
UJEEDOOYINKA
The National Unity Party
3. Xisbigu wuxuu u ololeeynayaa dhismaha hay'adaha
amniga oo tayo sare leh laguna barbaariyey
dhawridda xuquuqda insaanka, kuwaas oo awood u
leh xaqiijinta amniga dadweynaha iyo buuxinta
baahidda nabadgelyada qaranka.
4. Xisbigu wuxuu u doodayaa aburista nidaamxisaabeed hufan ee hay'adaha dawladda iyo kuwa
gaarka ah si looga hortago boobka hantida guud,
maamul-xumada, musuq-maasuqa iyo canshuur la
cararka.
UJEEDOOYINKA
The National Unity Party
5. Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hirgelinta
nidaam dhaqaale ku dhisan kobcinta dhaqaalaha
dadweynaha, abuuridda bay'ad soo jiidaneysa
maalgashiga, la bixitaanka khayraadka dabiiciga
ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
6. Xisbigu wuxuu taageerayaa adeegsiga siyaasad
firfircoon ee arimaha dibadda oo xaqiijineysa
danaha qaranka oo lagu hormarinayo iskaashiga
shucuubta Geeska Afrika, calaqaadka iskaashiga
sokeeye ee Somaaliya kala dhexeeya dalalka Afrika,
Carabta iyo Muslimiinta, iyo in lala yeesho xiriir
miisaaman ururada caalamiga ah iyo dawladaha
aduunka si loo hurmariyo nabadda, amaanka iyo
iskaashiga u dhexeeya ummadaha.
UJEEDOOYINKA
The National Unity Party
7. Xisbigu wuxuu horumarinayaa arimaha
dhalinyarada ayada oo la siinayo fursado
waxbarasho, loo dhisaayo goobaha isbortiga iyo
nasashada. Sidoo kale, dhalinyarada waxaa loo
sameynayaa fursado shaqo-siin si ay u noqdaan
kuwa ka qaybqaata hawlaha wax soo saarka iyo
adeegga bulshada.
8. Xisbigu wuxuu u horseedayaa fursado u abuuridda
iyo dhiirrigelinta hormarinta awoodaha dumarka ee
dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha si
ay u helaan qaybta ay xaqqa u leeyihiin ee
siyaasadda, bulshada, iyo dhaqaalaha.
UJEEDOOYINKA
The National Unity Party
9. Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hawlaha samafallada ay ka
shaqeeyaan hay'adaha aan dawliga aheyn iyo jamciyaadka sida
ururada bulshada rayidka ah, madaxda dhaqanka, hay'adaha
samafalka, awqaafta iyo Sakada. Waxaa kale uu Xisbigu
taageerayaa hal-abuurka ururadaas, korna u qaadayaa xiriirka
hay'adaha dawladda iyo kuwa aan dawliga aheyn si loo ciribtiro
saboolnimada iyo tabaalaysnaanta.
10. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa ciribtirka seef la-boodnimo
kasta, xoog-adeegsiga iyo musuq-maasuqa loo isticmaalo in lagu
gaaro ujeedooyin siyaasadeed. Si gaar ah Xisbigu wuxuu
ciribtirayaa xagjirnimada loo adeegsado magaca Islaamka,
ayada oo la isticmaalayo istrateejiyad baahsan iyo hawlgallo
isku-xiran oo leh iskaashi goboleed iyo mid caalami ah.
UJEEDOOYINKA
The National Unity Party
11. Xisbigu wuxuu horumarinayaa in la gaarsiiyo
muwaadiniinta adeegyada asaasiga ah sida tacliinta,
caafimaadka, daryeelka qaybaha bulshada tabaaleysan iyo
fulinta barnaamijyada dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha .
12. Xisbigu wuxuu horumarinayaa qurba-joogta Somaaliyeed,
wuxuuna abuurayaa hay'ado ku haboon oo gaarsiin kara
adeegyada ay u baahanyihiin. Dhanka kale, Xisbigu wuxuu
ku boorrinayaa qurba-joogta Somaaliyeed in ay ka
qaybgalaan arimaha siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha
iyo hurumarinta dhaqanka.
TABAHA HAWLGALKA
The National Unity Party
Tabaha hawlgalka Xisbiga waxaa lagu soo bandhigayaa
farsamooyinka fulinta ujeedooyinka, barnaamijyada,
siyaasaadka iyo mawqifyada, waxaana ka mid ah:
1. Ururinta muwaadiniinta Somaaliyeed oo rumeysan aragtida
mabaadi'da iyo ujeedooyinka Xisbiga si ay u noqdaan
xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga, wadajirna uga
qaybgalaan dib-u-dhiska qaranka si waafaqsan habka
siyaasadda dimoqaraadiga.
TABAHA HAWLGALKA
The National Unity Party
2. Dhisidda iyo joogteynta Hay'adaha Xisbiga heerka
qaranka, federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta
si waafaqsan hanaanka dimoqaraadiga ah iyo
maamul-wanaagga, taas oo u suuragelineysa xubin
kasta inuu helo xuquuq iyo fursado loo simanyahay.
3. Hurumarinta iyo soo shaac-bixinta hoggaan hufan ee
heer qaran, dawladaha federaalka, degmooyinka
iyo qurba-joogta ayada oo kor loo qaadayo mugga
xubnaha , lagana qaybgelinaayo tartamada
doorashooyinka dalka ee xafiisyada adeegga
dadweynaha.
TABAHA HAWLGALKA
The National Unity Party
4. Sameynta isbahaysiga siyaasadeed iyo iskaashi dhexmara
Xisbiga iyo xisbiyada siyaasadeed ee kale iyo hay'adaha
dalka gudihiisa iyo dibaddiisa si loo wada xaqiijiyo
ujeedooyinka ka dhexeeya.
5. Adeegsiga warbaahinta casriga ah iyo qoraallada la
daabaco si loo baahiyo siyaasadaha iyo barnaamijyada
Xisbiga, iyo sidii taageerayaasha ugu badan loo gaarsiin
lahaa arimahaas.
6. Qabashada shirarka, dood-wadaagyada iyo tababarradda
si loo carbiyo, loona layliyo xubnaha Xisbiga, loona fidiyo
afkaarta iyo barnaamijyada Xisbiga.
TABAHA HAWLGALKA
The National Unity Party
7. Adeegsiga ololayaasha siyaasadeed iyo
banaanbaxyo si kor loogu qaado abaabulka iyo
taageerada dadweynaha, guulna looga gaaro
doorashooyinka.
8. Hormarinta siyaasaadka, soo saaridda warmurtiyeedyada iyo soo bandhigidda mawaaqifta
Xisbiga ee ku aaddan dhacdooyinka waaweyn
iyo qadiyadaha dalka iyo dunida.
DHISMAHA GUUD EE XISBIGA
The National Unity Party
1. Guddiga Fulinta Qaranka (GFQ).
2. Golaha Dhexe Qaranka ( GDHQ)
3. Guddiga Qaranka ee Shuruucda iyo Anshaxa (GQSHA)
4. Kutlada Baaralamanka Qaranka (KBQ)
5. Guddigga Fulinta Dawladaha Federaalka (GFDF)
6. Kongareesyada Dawladaha Federaalka ah (KDF)
7. Guddiga Anshaxa Dawladaha Federaalka (GADF)
8. Kutlada Baarlamaanka Dawladaha Federaalka (KBDF)
9. Laamaha Qurba-joogta (LQ)
Xubinnimada Xisbiga
The National Unity Party
1. Waxaa xisbiga xubin ka noqon kara ruux kasta
oo Somaali ah da’diisuna gaartay (18) oo ku
qanca mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha
iyo barnaamijka Xisbiga, haddii aanu jirin
qodob sharci ah oo ka horjoogsanaya in ay
xisbiga ku biiraan.
2. Qofka xubin ka noqonaya xisbiga waa inuu
ballanqaadaa in uu dhawrayo, kuna
shaqaynayo mabaadi'da, ujeedooyinka,
siyaasadaha iyo barnaamijka Xisbiga.
Noocyada Xubinnimada
1.
2.
3.
The National Unity Party
Xubinnimo guud: waxaana la siiyaa ruxii xisbiga
taageera laakiin aan isi saarin mas'uuliyaadka
Xisbiga (sida bixinta qaaraanka rasmiga ah, kasoo
qaybgalka shirarka iyo tabarradda).
Xubin-sharafeed: waxaana la siiyaa ruux ku
mutaystay hawl uu u qabtay xisbiga dartiis.
Xubinnimo rasmi: waxaa la siiyaa ruuxii ka
qaybgalaya hawlaha Xisbiga si dhameystiran sida
ku tilmaaman Xeer-hoosaadka (qodobka ???)
Codsiga Xubinnimada
The National Unity Party
1.
Si qofku uu xubin uga noqdo Xisbiga waa
inuu codsi xubinnimo u soo gudbiyaa
laanta Xisbiga ee degmadiisa ama dalka uu
uga noolyahay qurbah. Codsiga waxaa
lagu soo lifaaqayaa taageerada labo
xubnood oo rasmi ah.
Codsiga Xubinnimada
The National Unity Party
2.
3.
Si qofku uu xubin uga noqdo Xisbiga waa inuu
codsi xubinnimo u soo gudbiyaa laanta Xisbiga
ee degmadiisa ama dalka uu uga noolyahay
qurbaha. Codsiga waxaa lagu soo lifaaqayaa
taageerada labo xubnood oo rasmi ah.
Xubin kasta oo Xisbiga ka mid noqota waxaa
laga diiwaangelinayaa degmada ama faraca
qurbajoogta oo uu ku noolyahay.
Diiwaangelinta xubinnimada
The National Unity Party
1.
2.
Diiwaanka Guud ee Xisbiga waxaa la dhigayaa
xafiiska xoghayaha guud iyo xoghayaha
dawladaha Federaalka ah.
Xubinimada waxaa lagu keydinayaa
xafiisyada Xoghayaha Guud iyo
Xoghayayaasha Dawladaha Federaalka
ah.
LAMBARKA XUBINIMADA

The National Unity Party
Xubin kasta waa inuu qaataa lambar
muujinaaya degmada uu ku noolyahay
oo laga rabo inuu ka hawlgalo.
Xilalka iyo Waajibaadka
Xubnaha Rasmiga ah
1.
2.
3.
4.
5.
The National Unity Party
Dhowrista Axdiga aasaasidda, xeer hoosaadka iyo
siyaasadaha Xisbiga.
Ka qayb qaadashada hirgelinta ujeedooyinka Xisbiga iyo
barnaamijyadiisa.
Ilaalinta sirta Xisbiga iyo ka difaacidda dicaayadaha.
Bixinta joogtada ah ee qaaraanka Xisbiga si waafaqsan
Xeer-Hoosaadka.
Ka qaybgalka joogtada ah ee hawlaha iyo kulamada
Xisbiga.
Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah
The National Unity Party
1.
2.
3.
Qaadashada aqoonsiga xubinnimada.
Ka faa`iidaysiga dhismaha mugga iyo
barnaamijyada tababarrada lagu
tayaynayo awoodda iyo kartida xubnaha.
In la dhegaysto, lana siiyo fursad ay kusoo
gudbiyaan fikrado iyo hindisayaal
hay'adaha Xisbiga.
Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah
The National Unity Party
4.
5.
6.
7.
Ka doodista iyo u codeynta arimaha Xisbiga.
In laga ilaaliyo Xisbiga dhexdiisa wax kasta oo
sharaftiisa dhaawacaya.
Inuu dooran karo, isagana loo dooran karo xilalka
kala duwan ee Xisbiga.
Waajibaadka iyo xuquuqda heerarka kala duwan
ee xubinnimada waxaa xeerinaya xeerhoosaadka Xisbiga.
Waajibaadka iyo Xuquuqda
Xubinnimada Guud
The National Unity Party
1. Ka qaybgelidda shiraarka guud ee Xisbiga.
2. Ka qaybgelidda tababarrada iyo wacyigelinta
guud ee Xisbiga.
3. Qaadashada aqoonsiga xubinimada guud.
4. Ka qaybgelidda doodaha lagu hormarinayo
hawlaha xisbiga.
5. Ka qaybgelidda ololayaasha doorashooyinka iyo
qaraan u ururinta murashixiinta.
Luminta Xubinnimada

The National Unity Party
Xubinnimada Xisbiga waxaa lagu waayi karaa
geeri, is-casilid iyo casilid. Hannaanka
waayitaanka xubinnimadana waxaa habeynaya
Xeer-Hoosaadka Xisbiga.
MACLUUMAAD DHEERI AH
The National Unity Party

Website ( english): http://midnimoqaran.so/eng/index.php/en/

Website (Somali):http://midnimoqaran.so/som/index.php/en/

Facebook: https://www.facebook.com/XisbigaMidnimoQaran

Tuitter: @Midnimo_Qaran

Email: [email protected]