Somali - Norsk Tannvern

Download Report

Transcript Somali - Norsk Tannvern

Cudurka Ciridka
SOMALI
Buug yarahani waxa uu bixinayaa xog ku saabsan labbad cudur ee ugu badan ee ciridka:
ololka ciridka iyo cudurka ciridka iyo lafta.
Ilko Caafimaad leh
Iligu waxa uu ka koobanyahay dahaadhka iyo jirida. Dahaadhku
waa qaybta la arki karo marka jirida aanay caadi ahaan aanay
muuqanayn Jirida waxa ku gadaaman walax laf ah, waxaana ku
lifaaqan lafta daanka liif laf ah. Ciridku waxa uu daboolaa lafta
daanka waxaanay u qabataa si giijisan ilkaha. Meesha u dhexaysa
ciridka iyo ilig kasta waa goobta u dhexaysa ciridka iyo iliga,
meel yar godan taas oo caadi ahaa hoos u dheer dhowr milimitir.
Oogada ciridka caafimaadka qabaa waa basali dhibco yar yar
baanu leeyahay.
Sida looga Hortago Cudurada Ciridka
Si aad uga hortagto waxyeelo joogta ah oo ciridkaaga gaadha oo
debciya ilkahaaga, waa in aad nadiifisaa ilkahaaga maalin kasta
si aad uga saarto wixii lakab bakteeriya leh ee ugu samaysanta
dabiici ahaan ilkahaaga. Burushka caddayga caadiga ah ma gaadho
meelaha banaan ee u dhexeeya ilkaha. Si aad u nadiifiso meelahaas
banaan, waxaad u baahan doontaa findhicilo ama burushka ilka
dhexdooda, iyaddoo ku xidhan inta ay leegyihiin meelahaas
banaani.
Ogow: Kuma filna ka saarida cuntadda ku hadha; sidoo kale
waxaad ka saari kartaa lakabka bakteeriyada ku samaysanta ilkaha.
Dhakhtarka ilkahu/ hawl wadeenka sixada caafimaadku waxa uu
ku siin doonaa tilmaamo muhiim ah oo ah nadiifinta maalin kasta.
Cudurada ciridku caadi ahaan xanuun ma sababaan, sidaas
daraadeed ma garan kartid in iligaagu halis ku jiro. Tani waa
sababta aad u arkayso dhakharka ilkaha/ hawl wadeenka sixada
ilkaha si caadiya baadhitaano.
Ciridka caadimaadka
qabaa waa basali oo
waxa uu u leeg yahay
si giijisan ilkaha.
Halka godan ee u
dhexaysa ciridka
iyo iliga (godanka
ciridka)
Ciridka
Liifka lafta
Lafta daanka
Ololka ciridka
Haddii aad nadiifin waydo ilkahaaga maalin kasta lakabka adag ee
ku samaysma ciridku waxa uu keeni doonaa ololka ciridka, xaalad
loogu yeedho ololka ciridka. Ciridku waxa uu noqdaa casaan
oo wuu bararaa waxaanu u dhiigaa si fudud marka aad ilkaha
cadayayso. Dhiig baxu waa calaamada ololka ciridka.
Haddii lakabka adag ee ku samaysma la iska daayo dhowr
maalmood, waxa uu isu rogaa lakab adag oo la yidhaahdo dhagax.
Oogada adag ee dhagaxa waxa uu soo dabtaa bakteeriyo badan
oo waxa uu sii kordhiyaa samaysanka dhagaxaan badan. Dhagaxu
marka hore waa basali, laakiin degdeg waxa u madoobeeya bunka,
shaaha, khardalka, khamriga cas iwm.
Daawaynta Ololka ciridka
Haddii lakabka iyo dhagaxa si joogta ah looga saaro, ololka ciridku
waa uu shiikhaa oo ciridkaagu waxa uu noqon doonaa mid
caafimaad qaba mar labbaad. Dusha laynka ciridka, waxaad ka
saari kartaa lakabka adiga laftaadu, marka dhagaxa iyo lakabka ka
hooseeya ciridka ay waajib tahay in uu dhakhtarka/hawl wadeenka
caafimaad ka saaro. Dad aad u badan baa halis ugu jira in uu
ilkahooda ku dul samaysmo dhagaxu oo waxa dhici karta sidaas
awgeed in ay u baahdaan dhakhtarka ilka daawayn joogta ah.
Lakab
Ololka ciridka (cirid olol).
Ciridku waa casaan waanu
baransanyahay wuxuuna ka
soo laalaadaa ilkaha.
Ololka ciridka
(cirid olol)
Cudurka Ciridka iyo lafta
Cudurka ciridka, ama cudurka ciridka iyo laftu, waxa uu ku
bilaambaa isagoo olol cirid ah. Ololka u horeeya ee ciridka waxa
uu hoos ugu faafaa jirida salka iliga, isagoo dabcinaya haysadka
iliha oo ku fidaaya lafta daanka. Habkaasna, meesha godka yar ee
u dhexeeya ciridka iyo iliga si aayar aayar ah ayay u sii dheeraataa,
laakiin adiga oo aan garanayn. Haddii iligaagu dabco, waxa dhici
karta in ay tahay calaamad hore oo cudurka ciridka iyo lafta ah.
Tan macnaheedu waxa weeye lakabka iyo dhagaxa hoos ayay u
galeen ciridka oo suuragal kuuma aha adigu in aad ka soo saarto.
SOMALI
Dawaynta Cudurka ciridka iyo lafta
Ujeedada daawaynta xirfada leh ee cudurka ciridka iyo laftu
waa ugu horaytii in la joojiyo hormararka cudurka. Xaaladaha
badankooda, lifaaqnaanta iliga ee luntay lama soo celin karo.
Dhakhtarka ilkaha/ hawl wadeenka sixada ilkaha waxa uu
ugu horayn ku fari doonaa adiga in aad maalin kasta nadiifiso
ilkahaaga. Ka dib waxay nadiifin doonaa hoosta ciridka ku
wareegsan dhammaan iliga ay saamaysay, caadi ahaan iyagoo ku
siinaya dawada suuxinta ciridka.
“Nadiifintan qotadda dheeri” way adagtahay oo waa hab
wakhti dheer qaata, caadi ahaana waa in lagu sameeyaa dhowr goor
oo kala gaar ah goobta dhakhartka ilkaha.
Haddii lumitaanka lifaaqa iligu uu ugu badanyahay mid ama
ilko ka badan, oo natiijooyinka nadiifinta u horaysa ee xirfadeed
aan lagu qancin, hab qaliin ah ayaa lama huraan noqon kara.
Dhagaxa iliga
ku samaysma
Khasaaraha
lafta daanka
Sawir raajo ah oo muujinaya inta
uu leegyahay lumitaanka lafta
daanku ku wareegsan iliga.
Ujeedadu waa in:
• la gaadho jirida iliga si looga saaro lakabka iyo dhagaxaba.
• la yareeyo dherarka qotada ee godanka cridka
• oo haddii ay suuragaltahayna, dib loogu lifaaqo iliga iyadoo
la isticmaalayo farsamooyin gaar ah(wixii xog dheerada ah
ee kusaabsan hababka u dambeeyay, ka eeg hoos)
Habka kastoo qaliin ahi had jeer waxaa lagu sameeyaa dawo
suuxdin ah.
Qaliinka Ka dib
Caadi ahaan, qaliinku waa hab caadi ah oo keenaysa xanuun yar
oo keliya ka dib. Waa in aad isticmaashaa dawo sifeeye ah oo lagu
luq luqdo in muddo ah ka dib maxaa yeelay isticmaalka burushka
caddaygu waxa uu kharibaa habka bogsashada oo waxa uu waxyeeli
karaa ciridkaaga. Waxaad dib u bilaaban kartaa sixadaada ilkaha
caadiga ah isla marka ciridku bogsodo oo dhakhtarkaaga ilkahu uu
kuu sheego in ay tahay mid badbaado leh in aad sidaas samayso.
Gaar ahaan waa muhiim in laga ilaaliyo goobta u dhexaysa iliga iyo
ciridka in lakab ku dul samaysmo.
Qaliinku waxa uu keeni karaa “ilko dhaadheer” maxaayeelay
qaar jirida ilkaha ah baa la muujiyaa, laakiin daawaynta casriga
ahi ujeedadeedu waa in ay tan ka hortagto iyadoo la xulanayo
farsamada qaliinka ku habboon. Bukaan jiifka qaar waxay helaan in
ilkahoodii ay ka dareemayaan dabac islamarkaaba ka dib qaliinka,
laakiin tani waa ku meel gaadh. Ilkahu sidoo kale waxaa dhici karta
in ay aad xasaasi ugu noqdaan qabowga iyo kulaylka. Dareenkan
xasaasiyada ah waxaa lagu yareeya isticmaalka maalin kasta
falooraydh lagu maydho ama cajiin ilkaha oo gaar ah.
Daryeelka- Ka dib/ Dayac tirka
Horumar mudo dheeraada iyo ka hor in uu dib u soo noqdo
cudurka ku dhaca ciridka iyo laftu, waxaad u baahan doontaa:
• iIn aad nadiifiso oogada ilkahaaga ee ka saraysa laynka
ciridka.
• in aad baadhitaano caadi ah ugu tagto dhakhtarkaaga
ilkaha/hawl wadeenka caafimaad
Dawooyinkii u Dambeeyay
Riyaddi waxay had iyo jeer ahayd in la helo lafta daanka oo
dib u kobocda sidaasna ilkaha ayaa dib u lifaaqmi kara. Cilmi
baadhis waxay keentay dhowr farsamo, taas oo xaaladaha qaar
Dhakhtarkaaga ilkaha/Hawl
Halkan godanka ciridku waxa uu
wadeenka sixada ilkaha waxa uu hoos u dheeryahay 6 milimitir.
ku qiyaasayaa qalab gaar ah inta
uu leegyahay godanka ciridku.
ay dhici karto caawinta dib u abuuranka lifaaqii iliga lumay.
Farsamooyinkan ayaa la adeegsan karaa si loo kaabo qaliinka.
Antibiyootiga si aad ah loomo isticmaalo in lagu daweeyo cudurka
ciridka, laakiin waa ay habboonaan kartaa xaaladaha qaar, toos
loogu qabto godanka cirirka ama loo qaato sidii kiniin caadi ah.
Buuriga iyo Caafimaadka Ilkaha
Labbadaba qiijinta sigaarka iyo qaababka kale ee isticmaalka
buurriga waxa ay keeni karaan in iliga iyo waxa lagu buuxiyay
madoobaado Ciridku sidoo kale waxa uu midab doorsoomaa
kuwa isticmaala buurriga afka. Xidhiidhka u dhexeeya isticmaalka
buurriga iyo tirada cudurada dalqadda afka, laga bilaabo cudurka
ciridka ilaa kansarka, aad baa loo ogyahay. Cilmi baadhid dhowayd
waxa ay muujinaysaa in shilka cudurka ciridka oo aad u darani
uu aad uguga sareeyo sigaar cabayaasha kuwa aan sigaarka cabin.
Sidoo kale aad bay u adagtahay in la daweeyo cudurka ciridka iyo
lafta oo si degen looga bogsado haddii aad sigaar cabto. Kala hadal
dhakhtarkaaga ilkaha/hawl wadeenka sixada ilkaha sida buurriga
iyo sigaarka la isaga daayo.
Waydii dhakhtarkaaga ilkaha/Hawl wadeenka sixada
ilkaha
Buug yarahan waxa uu bixinayaa xog muhiim ah oo ku saabsan
sababaha cudurka ciridka iyo waxa aad samayn karto si aad uga
hortagto, iyo ikhtiyaarada daawaynta xirfada leh ee la heli karo.
Haddii aanad wax hubin, waydii dhakhtarkaaha ilkaha/hawl
wadeenka sixada ilkaha.
Dib u bixinta kharashka
Qayb qiimaha bixinta daawooyinka nidaamsan iyo daryeelka- ka
dib cudurka ciridka waxa dhici karta in dib lacag kharsh ah loo
siiyo dhakhtarkaaga ilkaha iyadoo waafaqsan qiimo go’an( dib
loo eego si sanadle ah) hoosta Mashruuca Caymiska Qaranka
Noorweey. Waydii dhakhtarkaaga ilkaha/Hawl wadeenka sixada
ilkaha haddii aad xaq u leedahay daawayn kaabid leh.
©Norsk Tannvern. Grafisk prod. og design: Trine Suphammer AS.
Foto: ©Norsk Tannvern og spesialist i periodonti Morten Enersen
Oversettelse: Semantix. Økonomisk støtte: Helsedirektoratet. Brosjyren lastes ned gratis fra www.tannvern.no