Akhri oo soo bixi buug (PDF)

Download Report

Transcript Akhri oo soo bixi buug (PDF)

M
SO
A
SK
I
AL
Buugan yar waxa ku qoran macluumaad loogu
talo galay qofka loo qorey Eliquis®
Daawadan waxa ku socda kormeer dheerad ah
Eliquis® qoraalka bukaan socodka waxa lagu heli karaa 8
luqadood, weydii kalkaalisadaada ama dhakhtarkaaga.
Haddii aad u baahan tahay aqoon dheeraad ah oo ku
sabsan xinjiraha uu wato wadne garaaca yar een
caadiga aheyn ama cudur xididada xinjiraha dhiiga
socodkiisa kala xidha, tag www.blodproppsskolan.se
2
HORDHACA
WAA MAXAY ELIQUIS®?
QOFKA QABA WADNE GARAACA YAR EE AAN JOOGTADA AHEYN
1) Sababta keenta wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn
bogga 10
2) M
uxuu wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn keeni karaa?
bogga 13
3) C
alaamadaha uu wato istaroogu?
bogga 14
4) D
aawada furfurta dhiiga
bogga 16
5) Daaweyntaada
bogga 18
QOFKA LUGTA AMA SANBABKA KU LEH XINJIR
1) S
ababta keenta xinjirta lugta ama sanbabka
bogga 21
2) M
axay xinjirta dhiigu keeni kartaa
bogga 23
3) C
alaamadaha caadiga ah
bogga 24
4) Daaweynta
bogga 25
5) S
idaad u qaadanayso Eliquis®
bogga 28
6) Waxyaalaha laga fikiraayo
bogga 29
WAXYAABAHA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD KA FIKIRTO MARKAA
QAADANAYSO ELIQUIS®
WAXYEELOOYINKA IMAAN KARA
SI FAACIMAAD QABTA U NOOLOW
TALOOYIN INTERNEDKA
3
WAA MAXAY ELIQUIS®?
Waxa laguu siiyey buugan yar maadaama uu
dhakhtarkaagu kuu qorey Eliquis® (apixaban). Ama
waxaad qabtaa wadne garaac aan caadi aheyn oo waxa
laguu siiyey Eliquis® si loo yareeyo khatarta istrooga ay
keento ama hadidii kale waxaad leedahay xinjir luugta
ahu ama sanbabka adigoo markaa lagu siiyey Eliquis® si
lagaaga daweeyo xinjirtaa.
4
Buuganyar waxa lagu sharxayaa sababaha caadiga ah
ee keena cudurkaaga, calaamadaha caadiga, waxaad
sameyn karto si aad u dhinto khatarta inuu kugu dhaco
iyo wixii talooyin ah ee daaweynta Eliquis® ku sabsan iyo
wixii kale ee dheeraad ah.
Qeybo ka mid ah buuga yar waxay guud ahaan u siman
yihiin Eliquis® iyadoon cudurka noociisa loo eegeyn.
Waxa kale oo jira laba qeybood oo iftiiminaaya WADNE
GARAACA YAR EE AAN JOOGTADA AHEYN ama
XINJIRTA LUGTA AMA SANBABKA ka taxadir inaad
akhrida jabterka adiga ku khuseeya
Waxa kale oo lagugu dhiirigalinayaa inaad akhrido
qoraalka ku lifaaqan ee ku dhex jirta daawadaada. Waxa
aad taas dib uga helaysaa www.fass.se.
5
QOFKA QABA WADNE GARAACA YAR EE
AAN JOOGTADA AHEYN
Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waa xaalad
wadnaha ah oo keenta inuu wadnahaagu degdeg iyo si aan
isla haysan iskugu garaaco
Dad badan oo qaba wadne garaaca yar ee aan joogtada
aheyn ayaan wax calaamad ah dareemin, laakiin waxaad
dareemi kartaa wadne garaac degdeg ah iyo/ama garaaca
wadnaha oo aan joogto aheyn. Dadka qaar ayaa taas ku
sifeeya ”wadne gariir” Calaamadaha kale ee imaan kara
waxa ka mid ah:
6
n
daal
n
hiin raag
n
laab xanuun
n
dawakhaad.
Sidee ayay noqon kartaa?
Waxa lala noolaan karaa wadne garaaca yar ee aan
joogtada aheyn kaas oo noloshaadoo dhan kolba kugu
soo kacaaya. Marmarka qaarkood ayaa loo baahan karaa
daaweyn. Aadna waa ay u kala duwan tahay inta jeer
ee uu kolba kugu soo kacaayo iyo xanuunku inta uu ku
dhibaayo. Dadka qaar ayaa leh kacdoon dhowrkii sanoba
mar ah, halka ay dadka qaar todobaadkiiba mar ku soo
kacdo. Dadka qaar ma dareemaan kacdoonka halka ay
kuwa kale dhibaato badan la kullmaan. Inta u udhaxaysa
kacdoonada ayaa si caadi ah loo noolaadaa. Kolba marka
ay ka sii badnaato xiliga uu qofka dhibaatadu ka haysatay
wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn ayay kolba
kaga sii adkaataa inuu qofku ka waa bogsado.
7
Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxa uu imaan
karaa kaligiis ”goog-goos”, kaasoo socda dhowr daqiiqo ilaa
dhow maalmood. Waxa loo yaqaanaa kaas ”paroxysmalt
förmaksflimmer”, taas oo ay micnaheedu tahay inuu
”wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn uu ku yimaado
kacdoon ahaan”. Waxa kale oo jira wadne garaaca yar ee
aan joogtada aheyn kaas oo lagu micneyn karo mid aan
”Tagaynin” ama ”joogto ah”. Taas micnaheedu waxa weeye
in wadne dicifku mar kasta joogo.
Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxa keena
marka unugyada maamula garaaca wadnahaagu aanay
sidii laagu talo galay u shaqeynin. Taas waxay keentaa in
maamulka habdhaca wadnaha ee caadiga ahi uu khalkhal
galo oo uu markaa maamuli karin garaacii wadnaha.
Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxuu
keenaa in labada qeybood ee sare ee wadnahu anay
isku soo noqon karin sidii loogu talo galay, iyadoo
markaa aan dhiiga caadi loo tuuri karin. Qeybta noocan
ah ee wadnaha waxa loo yaqaanaa qeybta sare (förmak)
waana sababta loogu yaqaano förmaksflimmer.
8
Qeybta sare
Qeybta sare
Qeybaha sare ee
wadnaha
9
Waxa keena wadne
garaaca yar ee aan
joogtada aheyn
Sababta saxa ah ee keenta wadne
garaaca yar ee aan joogtada aheyn.
lama garanaayo, laakiin khatartu waa
ay sii korodhaa marka la weynaado
iyadoo caado u ah dadka qaba
dhibaatooyinka kale ee wadnaha.
10
Tusaale ahaan:
n
dhiiig karka
n
u cidhiidhi noqdo/istaago xididka halbowlaha ee
u
wadnaha dhiiga siiya
n
wadnuhu istaago
n
c udur wadnaha ah oo lagu soo dhasho ama wax
qaliin wadnaha ah ka dib yimaada
n
tubaakada
n
kaafeega
n
aad u isticmaalida khamrada
n
Istareeska
n
wadne joogsiga
nisbadel hormoonka dheefshiiidka (hormoonka
dheefshiidka oo kacsan)
11
5Istaroogu waxa
uu yimaadaa
1Marka ay xinjir wadnaha ku
sameysanto
2Xinjirtu ay ka soo baxdo
wadnaha
4Xinjirtu ay
xanibto xidid
maskaxda
12
3Xinjirtu dhiiga raacdo oo ilaa
maskaxda ay tagto
Muxuu wadne garaaca yar ee aan
joogtada aheyn keeni karaa?
Khatarta ugu weyn ee wadna garaaca yar een aan caadiga
aheyn waa istroog.
Maadaama oo dhiigii aan wadnaha si sax ah looga tuureyn,
ayuu ku ururri karaa wadnaha halkaas oo ay xinjiro ku
sameysmaan taas oo ah dhiiga ururay. Hadii ay xinjirtu soo
dhaafto wadnaha oo ay soo gasho xididada yaryar ee maskaxda
ayay awdaa socodkii dhiiga taas oo keenta istroog.
Dadka qaba wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxay
khatar dheeraad ah ugu jiraan inuu istaroog ku dhaco marka
la garab dhigo dadka aan qabin wadne garaaca yar ee aan
joogtada aheyn.
13
Calaamadaha uu wato istaroogu?
Istaroogu hal mar ayuu kugu soo boodi karaa. Waa inaad
dhakhso uga jawaab celiso. Halkan ayay ku qoran yihiin
waxyaalo aad u fiirsan karto, kuwaasoo kaa cawin doona
inaad garato istarooga.
Ku tijaabi istarooga tijaabada-AKUT
WAJIGA
ajigoo ku dheeraada?
W
Qosol oo tus ilkaha.
Miyuu qofka wajigu kala janjeedhaa?
Daanka oo laalaada?
WAC 112
QEYBAHA JIDHKA Gacan miyey ku qalashay?
Gacanta kor u qaad oo 10 daqiiqo kor u hay.
Miyaa ay dadku leeyihiin calaamad awood daro
ah/qalal mid ka mid ah gacanta?
WAC 112
HADALKA
Ay ku adagtahey inuu hadlo, wax akhriyo ama
hadalka fahmo? Dhisto jumlad: “Jawigu wuu
fiican yahay maanta”.
Miyey qofka ku adagtahay inuu kalmada helo, uu
kalmada saxa ah yidhaahdo ama uu hadro?
WAC 112
WAKHTIGA
14
alaamadahu waxay ku yimaadaan kadis oo
C
waa in markaas si dhakhso ah loo daweeyo!
Calaamadaha kale waxay noqon karaa awood darada ama
kabuubyada/qallal dhinac jidhka ah, aragtida oo aad weydo ama uu
shucaac indhaha ama il kaliya kaa galo, dawakhaad, wareer ama
miisaankoo kaa luma.
Hadii aad hesho qaar ka mid ah calaamadahaas waa inaad
dhakhso ula xidhiidhaa dhakhtar.
Sidan ayaad ku yaraynaysaa khatarta wadne dicifka
Mararka uu kugu dhaco wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn
iyadoo ay jirto sabab gaar ah oo keentey taas, ayaad adigu isku deyi
doontaa inaad dhinto khatarta adigoo iska ilaalinaaya sababaha
keenaaya. Waxaad iska deyn cabitaanka khamriga, iska ilaali
inay kugu dhacaan xaaladaha istareeska ama isku dey inaad kala
hadasho dhakhtarkaaga inaad iska badasho daawad.
Qaar badan awood uma laha inay wax ka qabtaan xaaladaha
saameynaaya wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn. Waxay
tusaale ayaan bilaabmi karaan marka la hurdo. Adigoo iska
deynaaya cabitaanka sigaarka, aad iska yarayso cuntada duxda
badan leh oo aad jimicsi sameyso ayaad ku yareyn kartaa khatarta
inay kugu dhacaan cudurada wadnaha iyo xididada dhiigu, kuwaas
oo iyana dhimi kara inuu kugu dhaco wadne garaaca yar ee aan
joogtada aheyn. Waxa kale oo daawo lagu dhimi karaa tirada inta
jeer ee uu kugu soo kacaayo.
15
DAAWADA FURFURTA DHIIGA
Daawada dhiiga furfurta (lidka xinjirowga) waa daawo
keenta in dhiigu si ka degdeg yar u xinjiroobo.
Waxay kaa caawisaa ka hortaga xinjiraha sababa
istarooga.
Dhakhtarkaaga ayaa si taxadir leh u qiimeeyey khatarta
uu istaroogu kuugu dhacaayo isagoo go'aansadey inaad
qaadato daawada Eliquis®.
Sababta laguu siiyey Eliquis® waa in la dhimo khatarta uu
kuugu dhacaayo istaroog uu keenaayo wadne garaaca
yar ee aan joogtada aheyn.
16
17
DAAWADAADA
U qaado markasta Eliquis® sida uu dhakhtarkaagu kuug qorey.
Eliquis® waxa la qaataa 2 jeer maalintii, tusaale ahaan hal
mar arroortii iyo hal mar fiidkii. Isku dey inaad kiniinka qaadato
wakhti siman maalin walba. Waxay kuu dhibyaraan kara hadii
aad leedahay wax kale oo maalintii aad sameeyo labo jeer oo
lala qaato.
Dawska caadiga ah ee Eliquis® waa 5 mg-kiniin ah oo laba jeer
la qaato maalintii. (bukaan socodka qaarkood ayaa loo qoraa
2.5 mg laba jeer maalintii).
Waa inaad koob biyo ah ku wada liqdo kiniinka Eliquis®.
Waxaad la qaadan kartaa cunto ama cunto la'an. Kiniinka
waa la jajabin karaa hadii ay kugu adagtey inaad liqdo.
Haddii loo baahdo, waxaad galka ka saari kartaa kiniinada
Eliquis® iyagoo aad ku ridi daws qiyaasaha.
Waxaad soo gudbin kartaa dalabkaaga ku wajahan aaladaha
ku caawinaaya si aad u xasuusato inaad qaadato kiniinkaaga.
Waxaanu u naqaanaa aaladahaa ”Continuum of Care”. Weydii
dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada.
18
19
QOFKA LUGTA AMA SANBABKA KU LEH
XINJIR
Marka ay xinjir kugu sameysanto ayuu dhiigu isku
ururayaa oo uu xinjir xididka dhexdiisa ku sameynayaa.
Xinjirta ayaa adkeynaysa inuu dhiigu saani xididka u dhex
maro. Xinjir la ogaado oo la daaweeyo xili hore ayaan
inta badan wax dhib ah keenin, laakiin Xinjiraha ayaa inta
badan lagu arkaa lugaha iyadoo inta badan ay mid kubka
ka mid ah ka bilaabanto. Ma badna in labada lugoodba
laga helo xinjir isla mar.
Raadso daryeel
Hadii aad isleedahay waxa kugu dhacay jincir waa inaad si
degdeg ah uga raadsato daryeel rugta caafimadka ama
gargaarka degdega ah.
20
SABABTA KEENTA XINJIRTA LUGAHA AMA
SANBABKA
Waxay khatartu ku badan tahay cida mid lugaha ka mid ah
ama sanbabada ku helaan xinjir ee:
n qaba infegshan
n ka weyn 65 jir
n uur leh
n misaan aad u weyn
n sigaarka caba
n q aba kansar, gaar ahaan marka qaliin lagu sameeyo
ama hadii lagugu daaweeyo kiimikada
n leh unugyada dhiiga oo tiradoodu si aan caadi aheyn
ay u yartahey
n isticmaala kiniinka dhalmada joojiya ama daawooyinka
kale ee ay ku jiraan ostarajiinku
21
Hadii aan qofku dhaqdhaqaaqin oo aanu isticmaalin
kubabka ayuu wareega dhiigu ee lugahu noqonayaa mid
aayar socda, taas oo dhibyareynaysa inay xinjirahu
sameysmaan. Ka fikir taas marka aad wax badan fadhido
sida safar diyaarada oo dheer. Waxa taladu tahay in aad
sameyso cidhibta oo kor loo qaado oo in yar la socdo
marka aad wax badan meel fadhido.
Xinjirta dhiiga ama sanbabka ayaa si dhibyar u sameysmi
karta hadii aad leedahay taagdaro/xanuuno xaga awood
dhiigu ku xinjiroobaayo ama xinjirtu ku furfurmayso. Halkan
ayaa hidaraacu door ka ciyaari karaa.
22
Maxay xinjirta dhiigu keeni kartaa
Xinjir qotodheer oo xididada halbawlayaasha ah oo la
helo lana daaweeyo xili hore ayaan inta badan aheyn wax
khatar ah iyadoo aan keenin wax dhibaato waarta ah.
Xinjir xididada arooriyayasha ee lugta dhexdeeda ah oo
korta lana daaweyn ayaa, iyadu adag in la daaweeyo
iyadoo si xun u jooojin karta wareega dhiiga. Xinjir ku
taala xidid halbawle ah ayaa dhererkeedu noqon karaa
dhowr disimitir. Xinjirta noocan ah oo ku taala kubka
ayaa sii weynaan karta iyadoo hadhow gaadhi karta
xididada halbawlayaasha ee bawdada iyo miskaha.
Xinjiraha ku sameysma xididada halbawlayaasha ee
lugta iyo misigta ayaa go i karta oo raaci karta dhiiga
taas oo ku dhagi karta mid ka mid ah sanbabka ama
labadaba. Markaliya oo naqasku kugu dhago, qufac ama
oof ku qabata markaad neefsanayso ayaa calaam u
noqon karta in xinjir dhiiga raacdey ay sanbabka ku
dhagtey.
23
Waxa muhiim ah inaad daawo ka hesho xinjirtaada
iyadoo hadii kale go i karta oo sanbabka tagi karta, taas
oo keeni karta in neeftu ku qabato.
Calaamadaha caadiga ah:
n k ubka oo ku barara oo kuleyl ku noqda, marmarka
qaarkood ku casaada ama midabkiisu isbadalo
n lugtu ku cuslaato
n lugtu ku xanuunto gaar ahaan markaad socoto ee
aad isticmaasho muruqaaga kubka
n kubka ayaa ku xanuunaya oo giigsan marka la taabto
n x ididada dhiiga maaarka saar ee lugta ayaa si cad
loo arki karaa iyadoo aad dareemaysid xanuun
n waxaad yeelan kartaa xumad.
24
DAAWADA
Si aad uga hortagto xinjirta lugta ayay muhiim tahay in
lugta la dhaqdhaqaajiyo inta ugu badan ee la sameyn
karo xataa hadii aad sariirta saarantey ama uu
fadhigaagu badan yahay. In la joojiyo sigaarka oo
miisaanka la dhimo ayaa iyana yareysa khatarta ay
xinjirtu kuugu dhacayso.
Xinjirta waa in uu dhakhtar daaweeyo iyadoo caadi
ahaan la qaato daawooyinka dhiiga khafiifiya. Daaweyntu
waxay jidhka ka caawisaa inuu furfuro xinjirta si uu
xididku isku furfuro iyadoo ay iyana hoos u dhacayso
khatarta ay xinjir cusubi kuugu sameysmayso.
Hadii aad lugta ku leedahay xinjir waxa inta badan la
isticmaalaa sharabaado ku kaalmeynaaya xiliga aad
helayso daaweynta iyo ka diba.
25
1
Caadi
2
3
26
27
SIDEE AYAAD UQAADANAYSAA ELIQUIS®.
U qaado markasta Eliquis® sida uu dhakhtarkaagu kuugu
qorey. Marka lagaa daaweynaayo xinjiraha lugta ama
sanbabka waxa caadi ahaan aad daawada u qaadanaysaa
sidan soo socota:
CAADI AHAAN waa inaad qaadato LABA kiniin oo 5 mg ah
aroortii iyo laba kiniin oo 5 mg ah habeenkii mudo 7
maalmood ah.
Kadibna haaf ayaad ka dhigeysaa inta kiniin ee aad
qaadanayso iyadoo aad qaadanayso HAL kiniin oo 5 mg ah
aroortii iyo habeenkii mudo 3 bilood ah.
Hadii aad qabto xinjir soo noqnoqonaysa ayaa laga yaabaa
inaad qaadato daawadaada dhiiga furfuraysa mudo dhowr
sanadood ah. Ha joojin ilaa inta uu dhakhtarkaagu kuu
sheegaayo inaad joojiso, sidaas waxa loo sameynayaa in la
dhimo khatarta ay keento saameynta daaweynta xun iyo
khatarta inay dib kuugu soo noqoto. Waxaad ka akhriyi
kartaa wax dheeraad ah oo sidaad Eliquis® u isticmaalayso
ku sabsan warqada ku lifaaqan baakeedka daawadaada.
28
WAXYAALAHA LAGA FIKIRAAYO
Dhibaatooyinka xinjiraha lugaha iyo sambabada
Qiyaastii 30% dadka ay xinjirahu ku dhaceen waxay
marlabaad helaan xinjir cusub 10 sanno gudahood. Sidaad
daraadeed ayay muhiim tahay inaad ogtahey calaamadaha
oo aad la socoto kuwaas dhakhtarna degdeg u raadsato.
Isla dhowrka bilood ee ugu horeeyaee marka la dhameeyo
daaweynta kadib ayay imaan kartaa xinjir cusub oo
kusameysanta bukaan socodka qaarkood markaas ayay
muhiim tahay in dhakhtar sida ugu dhakhsaha badan loo
raadsado.
29
Dhaqdhaqaaq samee
Si aad uga hor tagto xinjiraha lugta ayay muhiim tahay in la
isticmaalo muruqyada kubka. Marka qofku aanu isticmaalin
muruqyadiisa kubka ayaa socodka dhiigu xumaadaa iyadoo
lugtu ay barari karto. Taasi waxa weeye hadii uu qofku jiifo,
fadhiyo ama taagan yahay.
Wey wanaagsan tahay in lasoo socsocdo. Hadii uu qofku
sariirta jiifo ayaa uu isku deyi karaa inuu cagaha
dhaqdhaqaajiyo, inyar ruxrux faraha iyadoo aad dhowr jeer
lugaha dhaqdhaqaajinayso maalin walba. Muruqyada kubka
isasoo jiidashadooda ayaa xididada isku cadaadinaaya kana
caawinaaya in dhiigu xaga wadnaha aado.
30
Hadii aad wax badan meel fadhido, tusaale ahaan safar
diyaaradeed, waxa muhiim ah in si joogto ah loo socsocdo
lugtana lagu istaago. Waxa ka sii fiican in diyaarada
dhexdeeda la socsocdo, hadii fursad aad u haysato. Waxa
kale oo la isticmaali karaa sharabaad kaa caawiya si aad
uga hor tagto xinjirta hadii aad wax badan meel fadhiyayso,
tusaale ahaan marka la safraayo. Sharabaadada ku
caawinaaya waxaad ka soo iibsan kartaa farmasiiga ama
dukaanka iibiya waxyaalaha kala duwan ee kaalmada. Waxa
markasta wanaagsan in cida gadeysa la weydiiyo talo ku
sabsan qiyaastaada (lambarkaaga).
Hadii aad cabitaanka sigaarka joojiso oo aad miisaankaaga
dhinto ayaad hoos u dhigeysaa khatarta aad ku helayso
xinjirta xididada halbawlayaasha.
31
WAXYAABAHA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD
KA FIKIRTO MARKAA QAADANAYSO ELIQUIS®
Maxaan sameynayaa hadii aan qaatey wax
dawskeyga Eligius® ka badan
Isla markaaba u sheeg dhakhtarkaaga ama
kalkaalisadaada hadii aad qaadatey wax ka badan
dowskaaga Eliquis®. Dhakhtarka u sii qaado baakeedka
daawado, xataa hadii anay wax kiniin ahi ku hadhsaneyn.
Hadii aad qaadato wax dheeraad ah oo inta laguugu talo
galay ee Eliquis® ah ayaad
yeelan kartaa khatar dheerad
ah oo dhiig bixis ah.
32
Hadii aad galayso wax qaliin ah, cad laga soo goynaayo
ama daaweynta ilkaha waa inaad u sheegto dhakhtarkaaga
ama dhakhtarkaaga ilkaha inaad qaadanayso Eliquis®.
Waxa laga yaabaa inaad joojiso Eliquis® ama aad yara
hakiso.
Ka fikir inaad u sheegto dhakhtarkaaga ama
dhakhtarkaaga ilkaha hadii aad qaadato daawooyin kale,
marka lagu daro daawooyinka aan warqada u baahneyn iyo
daawooyinka dabiiciga ah (tusaale ahaan johannesört)
Isticmaal hadaad doonto siliska Eliquis® ama kaadhka
boorsada lacagta lagu rito. Waa ”badbaado” fiican hadii uu
shil kugu dhaco dalka dibadiisa iyo Iswiidhan dhexdeedaba.
33
Daawooyinka qaarkood iyo kaabeyaasha nafaqada cuntada
ayaa qas galin kara awooda dhiig furfurista ee Eliquis®
iyadoo markaa kordhin kara khatarta dhiig baxista ama ka
dhigi kara inay daawadu waxba tarin.
Waxaad lifaaqa baakedka daawada ku jira ka helaysaa
liistada dhan ee daawooyinka saameyn kara Eliquis®.
Waa inaanad qaadan Eliquis® hadii aad uur leedahay,
naaska nuujinayso aad leedahay xanuun kalyaha ama
dhibaatooyin dhiiga hadii aan dhakhtarkaagu waxba kuu
sheegin kadib marka uu helay macluumaadkan. Kadib
xasuusnow inaad u sheegto dhakhtarkaaga hadii ay mid ka
mid ah taas ku khuseyso.
34
Mudo intee leeg ayaad qaadanaysaa Eliquis®
Inta ay soconayso daaweynta Eliquis® waa ay kala
duwanaan kartaa, dadka qaarkood waxay qaadan
karaan wakhti aan xadidneyn. Waa inaad markasta
raacdo talooyinka dhakhtarka iyadoo aad sii wadeyso
qaadashada daawada ilaa inta uu dhakhtarku kuu
sheegay inaad wado.
HA JOOJIN INAAD QAADATO ELIQUIS®
KA HOR INTAANAD KALA HADLIN TAAS
DHAKHTARKAAGA
35
Maxaan sameynayaa hadii aan iloobey hal dows?
Hadii aad ilowdey inad qaadato hal dows oo Eliquis® ah, waa
inaad kiniinka qaadato sida ugu dhakhsaha badan ee aad ugu
xasuusato, kadibna qaado caadi u qaado xiligeedii kiniinkaaga
xigta ee Eliquis® kadibna si caadi ah u wad. Hadii aanad hubin
waa inaad weydiiso dhakhtarkaaga ama cida maamulaysa
daaweyntaada.
36
WAXYEELOOYINKA IMAAN KARA
Sida dhamaan daawooyinka ayay Eliquis® keentaa
waxyeelooyin laakiin cid kastaa ma hesho kuwaas.
Wixii dheerad ah ee ku sabsan waxyeelooyinka ayaad ka sii
akhriyi kartaa lifaaqa la socda ee ku jira baakeedka.
Sida daawooyinka kale ee la midka ah (daawooyinka dhiiga
furfura) ayay Eliquis® keeni kartaa dhiigbax u baahan kara
daaweyn degdeg ah.
Waxyeelooyinka kale ee imaan kara waa sida xagtimo, dhiig
saxarada soo raaca (kaas oo midabka ka dhiga casuus
ama guduud) ama sanboor, xataa yalalugo aya imaan karta.
Wixii dhiigbax kadis ah la xidhiidh dhakhtarkaaga ama
kalkaalisadaada.
37
U sheeg dhakhtarkaaga, ama shaqaalaha farmasiiga ama
kalkaalisada hadii ay kugu dhacaan wax waxyeelooyinka ahi,
xataa hadii aanay ku qorneyn lifaaqa ama qoraalkan yar.
Markasta u sheeg dhakhtarkaaga iyo dhakhtarkaaga ilkaha
inaad qaadanayso Eliquis®. Hadii lagu qalaayo ama wax ilkaha
lagaaga sameynaayo u sheeg markasta inaad qaadanayso
Eliquis®, taas oo loo baahan karo in jidhka laga saaro maalin
ama laba qaliinka ka hor ama hadii ilig lagaa saaraayo.
38
SI FAACIMAAD QABTA U NOOLOW
Hab nololeed caafimaad qaba iyo daawo ayaa wadajir ku
xalinaysaa wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn.
Ka fikir in sababaha hab nololeedka iyo sida uu adiga kuu
saameynaayo.
n Cuntada: cun midho iyo khudaar darey ah oo badan
iska ilaali duxda badan iyo cuntada la warshadeeyey ama
cuntada diyaarka ah ee la soo iibsado. Sidaad ayaad ka
qeyb qaadanaysaa inaad heerkaaga kolostaroolka meel
ku hayso. Dhin milixda si aad u caawiso inaad maamusho
daqadka dhiigaaga ee sareeya, mid kale oo ka mid ah
sababaha ka qeybqaata wadne garaaca yar ee aan
joogtada aheyn.
39
n Jimicsi: dhaqdhaqaaqa jidhka oo si joogto ah loo
sameeyo ayaa kaliya ka qeyb qaadan inaad miisaankaaga
maamusho, ee waxay kaa caawisaa sidoo kale inaad
nolosha ku faraxsanaato. La tasho dhakhtar/kalkaaliso
ama shaqaalaha farmasiiga intaanad bilaabin mid ka mid
ah noocyada jimicsiga ama isboortiga, si aad u ogaato
inaanay khatar aheyn marka xaaladaada laga eego iska
ilaali ciyaaraha daqaalka iyo quusida dabaasha.
n Istareeska: wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn
waxa uu inta badan ku dhacaa dadka istareeska qaba.
Isku dey inaad hesho hab aad ku maareyso istareskaaga
oo aad jimicsina ugu darsato nolol maalmeedkaaga.
40
TALOOYIN INTERNEDKA
Blodproppsskolan
www.blodproppsskolan.se
STROKE-riksförbundet
www.strokeforbundet.se
Hjärt- och Lungsjukas Riksförbund
www.hjart-lung.se
Anticoagulation Europe
www.anticoagulationeurope.org
Atrial Fibrillation Association
www.afa-international.org
1177 Vårdguiden
www.1177.se
rurka dadka qaba xinjiraha xididada jidhka
U
dhexdiisa
www.blodproppar.se
41
QORAAL
42
43
Eliquis® waxay ka mid tahay koox daawooyin ah oo loo yaqaan lidka xinjirowga (dhiiga khafiifiya). Daawadan waxay ka qeyb qaadataa inay ka
hortagto sameysanka xinjiraha iyadoo xayiraysa Faktor X-ka kaas oo ah qeyb muhiim ah oo xinjirowga dhiiga. Maadada waxtaraysa ee Eliquis®
waxa loo yaqaanaa apixaban. Eliquis® waxa lagu heli karaa kiniin leh awood 2.5 mg iyo 5 mg. Eliquis® waxa loo isticmaalaa dadka waaweyn: 1
Si looga hortago xinjirowga (qotoda dheer ee xididka jidhka dhexdiisa, DVT) sameysanta ka dib qaliin misigta ama jilibka. 2 Si looga hortago
sameysanka xinjirta ku samaysanta wadnaha ee bukaan socodka leh garaaca wadnaha aan cadiga aheyn (förmaksflimmer) iyo khatar kale
oo dheeraad ah. Xinjirta ayaa go i karta iyadoo uu dhiigu u qaadaayo maskaxda halkaas oo ay keenayso istroog, ama xubnaha kale iyo ka
hortageysa socodka dhiiga xubnaha ee caadiga ah. 3 Si loogu daaweeyo xinjiraha xididdada halbowlayaa shadhiiga ee lugaha (xididada qotoda
dheer ee jidhka dhexdiisa) iyo xididada sanbabada (xididada sanbabka dhexdiisa) iyo sida looga hor tago xinjirowga ku soo noqnoqnaaya
xididada lugaha iyo/ama sanbabada. Ha isticmaalin Eliquis® hadii: aad xasaasiyad ka qabto apixaban ama mid ka mid ah waxyaalaha ay ka
sameysantey daawadaasi, aad dhiigbaxdo, aad qabto cudur mid ka mid ah xubnaha jidhkaaga kaas oo kor u qaadaaya khatarta dhiig bixista
xun (sida nabar caloosha ama mindhicirka oo jirey ama mid cusub, dhiig furan maskaxda oo hada kugu dhacay), hadii aad leedahay xanuun
beerka oo keenayso khatar dhiig bixis, aad qaadanayso daawo aad kaga hortagayso xinjir (tusaale ahaan warfarin, rivaroxaban, dabigatran
ama heparin), marka laga reebo inaad badalayso daaweynta dhiig furfurtista ama xiliga aad leeday tuubada arooriyaha ama halbowlaha
iyadoo lagu siinaayo herparin si ay taas u furnaato, aad leedahay khaanadaha wadnaha oo laguu galiyey.
Wixii macluumaad buuxa ee ku sabsan Eliquis®, si buuxda u akhri warqada lifaaqan daawada (eeg xataa www.fass.se). Qoraalkan
waxa uu ku salaysan yahay warqada ku lifaaqan daawada ee luulyo 2014.
Daawadan waxa ku socda kormeer dheerad ah.
Bristol-Myers Squibb AB, 08-7047100, www.bms.se Pfizer AB, 08-550 52 000, www.pfizer.se
EUAPI265; Taariikhda la daabacay: sibtembar 2014