Jaarrekening 2014 - Vrienden van Lievensberg

Download Report

Transcript Jaarrekening 2014 - Vrienden van Lievensberg

TIIBISHADA IYO
BAARIDDA XIRIIRADA
CONTENTS
1
Maxaa buugan yar laguu siiyey?
Ka qayb qaadashadu waa muhiim!
2
Muhiimad in la ogaado waxa tiibishadu tahay?
3
Ma jiranayaa hadda?
4Baaridda xiriirada: ka qayb qaado!
5Sidee lagaaga baarayaa tiibishada?
6Asal yaa wata?
7Baarid asal raad raac
8In aad wax badan ogaato?
1. MAXAA BUUGAN YAR
LAGUU SIIYEY?
Haddii qof kale uu qaato hawada bakteeriyada wadata
laba waxyaalood ayaa dhici kara: Qofkaasi hawadii
bakteeriyada wadatay ayuu islamarkiiba dib u soo celinayaa
oo neefsanayaa wax ku dhacaya qofkaasna ma jiraan ama
bakteeriyadii jirka ayey ku hareysaa waxayna fariisanaysaa
sambabada. Haddii arintan dambe kugu dhacdo tiibishadii
waa lagugu daartay. Waxaa tahay markaa qof bakteeriyadii
tiibishada xambaarsan (tuberkelbacterie).
qof agagaarkaaga ku sugan ayaa laga helay tiibishada.
tiibishadu waa cudur laysku daarto layskuna gaarsiiyo hawada.
waa dhici kartaa in tiibisho lagugu daartay. sidaa daraadeed
ayaa isbitaalka degmadu (ggd) bilowday in ay liis samayso
ayna baarto in aad u baahantahay in xiriiradaada la baaro. in
laguugu yeero in aad arintan ka qayb qaadato waxay ku xiran
tahay xiriirka aad la xiriirtay qofka tiibishada qaba iyo inta
jeer/goor uu ahaa xiriirkaasi. buugan yari waxa uu bixinayaa
warbixin ku saabsan cudurka tiibishada iyo baaritaanka.
Marka aad xambaarsane bakteeriyada tiibishada
(tuberkelbacterie) tahay ma jiranid.
KA QAYB QAADASHADU WAA MUHIIM!
Sidee laguugu daaran karaa bakteeriyada tiibishada
(tuberkelbacterie):
tiibishadu waa cudur dhibaatooyin xun keena iskamana
baxdo. jaaniska ah in aad cudurka qabto qaadsiina karto
waa yar yahay. balse waxa aad u muhiim ah in aad ka qayb
qaadato baaritaanka ggd-da iskana baarto tiibishada. Ma
laga yaabaa in tiibisho lagugu daartay marka waa muhiim
in aad goor hore iska xaadirisaa meeshaas: markaa kuuro
daawada ka hortagga ah ayaa lagu siin karaa, taas oo ka
hortageysa in cudurku kugu faafo.
• quficid
• hindhiso
Sidee ayaanan laguugu daaran karin bakteeriyada
tiibishada (tuberkelbacterie):
•
•
•
•
•
Jaaniska ah in aad hadda wakhtigan cudurka qabto
kuna daaran kartid dadka kale waa yaryahay.
2. MUHIIMAD IN LA OGAADO
WAXA TIIBISHADU TAHAY:
taabasho aad qofka qaba cudurka taabato
jidka galmada (jamaaca ama seks)
qaado, fargeeto, midiyaha la wada isticmaalo
cuntada
qataarka ama handaraabka albaabka
3. MA JIRANAYAA HADDA?
tiibishadu waa cudur infekshan ah ayna bakteeriyo keento/
sababto: bakteeriyada tuberkel (tuberkelbacterie). inta badan
tiibishadu waxay ku jirtaa sambabada. Marmar tiibishadu
waxay gashaa jirka intiisa kale meelo ka mid ah sida, kelyaha,
laabatooyinka iyo maskaxdaba. noocyadaan tiibishada ah
badanaa layskuma daarto. qof qaba tiibishada sambabada
wuu ku daaran karaa dadka agagaarkiisa ku sugan. quficid
ama hindhiso ayaa bakteeriyada tiibishadu howada ugu
faaftaa.
Kor ayaa lagu soo sharxay in ay macquul tahay in cudurka
lagugu daartay.10% dadka xambaarsan bacteeriyadda
tiibishada ayaa xanuunku soo ridaa/ amaba jirada. arintani
2 sano gudahood ayey ku dhacdaa ka bacdi marka laysku
daarto. sanado badan ka bacdina waa dhici kartaa. daawo
ayaa looga hortegi karaa in qofka cudurka xambaarsan jirado.
daawooyinkani waxay dilayaan bakteeriyada tiibishada
sababta.
Marka lagaa helo in infekshanka tiibishada bakteeriyada
ah (tuberkelbacterie) lagugu daartay, waxaa markaa
daawooyin looga hortegi karaa in aad jirato.
4. BAARIDDA XIRIIRADA:
KA QAYB QAADO!
waa muhiim in markaaba la ogaado in lagugu daaraty
bakteeriyada tiibishadda (tuberkelbacterie). sidan waxaa
looga hortegi karaa in aad jirato. sidaa daraadeed ayaa
lagugu casuumay in aad ka qayb qaadato baaridda ay
2
6. ASAL YAA WATA?
waddo GGD-du. Baaritaankan waxaa lagu magacaabaa
baaridda xiriirada/kontagtiyada. Dadka oo aanan ogeyn
goorta tiibishada lagu daartay ayaa baaridda xiriirku mar iyo
labo jeer mar mar la qabtaa. Marka shaki ah yimaado in waqti
fog daarshada cudurka laysku daartay markaas ayaa dhaqso
loo bilaabayaa baaritaanka. 2 ilaa 3 bilood ayey qaadataa in
infekshanka la cadeeyo, sidan awgeed ayaa bilo ka bacdina
baaritaanka loo baahan karaa.
Si loo kala eego qofka la baarayo iyo qofka kale, qofka buka
iyo neersiska bulshada ee qaybta la dagaalanka tiibishada
ayaa liis magacyo ah diyaarinaya (xiriirada bukaanka). Habka
ringprincipe ayaa la adeegsanayaa. Tan macnaheedu waxa
weeye in marka hore la baari doono dadkii ugu xiriir badnaa,
sida familka, dadka ugu dhow ee aad wada shaqeysaan
ama dadka aad isku fasalka tihiin iyo saaxiibadaada fiican.
Haddii kooxdan infekshan badan laga helo, baritaanka waa
la balaarinayaa. Tusaale ahaan dadka aad ururka isboortiga
kuwada jirtaan, laanta/qaybta isbitaalka iyo dadka ay badanaa
isku meesha isugu yimaadaan. Adiga oo qayb ka qaadanaya
ayaa waxaa cadaanaya inta qof ee infekshanku gaaray/
cudurka lagu daartay iyo in loo baahan yahay in la balaariyo
baaridda iyo in kale.
Marmar shakhsiyan adigu ma taqaanid qofka cudurka
qaba (asal wata). Laakiin waxaa laga yaabaa in aad hadda
yaqiinsatay qofka asal ay hayso aadna jeceshahay in aad
ka fogaato qofkaas. Tan looma baahna, maxaa yeelay
bukaanada badankood dhowr todobaad marka ay daawada
isticmaalaan kuma daaran karaan dadka ka ag dhow.
Waxaa laga yaabaa in aad u xanaagsantahay qofkii kugu
daartay, maxaa yeelay asaga/ ayada ayaa kugu keentay
khatartan ah in tiibisho kugu dhacdo. Ogow tiibishadu waa
cudur aan dadku ogaan karin marka uu ku dhacayo. Wax
badan kama qaban kartid in aad ka hortagto in bakteeriyada
tiibiida (tuberkelbacterien) aad hawo ahaan u qaadato,
maxaa yeelay bakteeriyadan indhaha laguma arki karo.
Nasiib wanaag tiibiida waayahan si fiican ayaa loo dabiibaa.
Lama dareemo marka tiibishadu kugu dhacayso!
7. BAARID ASAL RAAD RAAC
Adiga keli ah ma samaysanaysid baaridaane,
dadka kalena waad u samaynaysaa.
Marka ay dhacdo in qof laga helo tiibiida (tusaale ahaan
baarid) amaba infekshan lagu arko, waxaa loo baahan karaa in
la raadiyo asal meesha infekshankani ka yimid. Arintan waxaa
loo casuumayaa dadka ka agdhow qofka cudurka/infekshanka
qaba in laga baaro ayagana tiibii. Tan waxaa loogu yeeraa
baarid asal raad raac meesha ay ka timid. Marmar arintani
waxa ay keentaa in raad la helo, lana helo asalka meesha
tiibiidu/infekshanku ka yimid.
5. SIDEE LAGAAGA BAARAYAA
TIIBISHADA?
Habab kala duwan ayaa jira oo bariddu u qabsoomi karto,
waxay ku xiran tahay da’daada iyo talaaladii hore ee lagaa
talaalay tiibishada.
• Maqaar baarid
Baaridani waxay u dhacdaa in maqaarka hoose ee gacanta
daawo lagu duro/ama waxyar oo dareere ah. 3 ilaa 5
maalmood ka bacdi ayaa maxsuulka daawadan/dareerahan
la qiimaynayaa bal wixii ay keentay. Baaridan waxaa kale oo
loogu yeeraa tuberculinehuidtest ama mantouxtest.
8. IN AAD WAX BADAN OGAATO?
Wixii warbixin dheraad ah, fiiri www.tuberclose.nl ama la xiriir
GGD-da kuugu dhow laateeda la dagaalanka tiibishada.
• Dhiig baarid (IGRA
Baaridan dhiig ayaa la qaadayaa lagu baarayo labaratooriyada
lana eegayo jiritaanka unugyadda difaaca tiibishada.
• Baarid raajo
Raajada sambabada la saaro waxaa laga ogaan karaa in
sambabada infekshan ka jiro taas oo cadayn u ah bilowga
tiibishada.
Badanaa noocyada baaridda oo wadajira ayaa la samayn
doonaa si loo hubsado in bakteeriyada tiibishadu ku gaartay/
infekshan iyo in kale. Baaritaanadani khatar ma aha, naagaha
uurka leh iyo caruurta yaryar toona khatar kuma aha.
3
F 9 2 d / co n tac t s o M /10 /11
www.tuberculose.nl
giro 130 den haag