Alhamdulillah al wahed al qahar. wa salat wa salam ala rasolihi al

Download Report

Transcript Alhamdulillah al wahed al qahar. wa salat wa salam ala rasolihi al

KHOTBA Jimco 11 july 2014
Alhamdulillah al wahed al qahar. wa salat wa salam ala
rasolihi al amin, wa ala alihi wa sahbihi ajma3in wa ba3d.
BISMILAH AL RAHMAN AL RAHIM
Allah ayey mahad u sugnaatay swt. Waxaan ALLE waydi
isnaynaa magangaleyo iyo in ilaahey inuu na cafiyo, naguna h
anuuniyo wadada xaqa ah. Waxan qirayaa ilaah xaq lagu caabudo oo aan
alle aheyn inuusan jirin iyo nabi Muxamad scw yahay rasuulkiisii ugu
danbeeyay.
Qofkii Alle hanuuniyo cid lumin kartaa ma jirto, qofkuu Alle uu
san hanuunin cid hanunin karto ma jirto Waxaan Ilaahey ka baryaynaa inuu
naga dhigo muslim wanaagsan
Ilaahey baa mahad usugnaatey, iyo nicmada weyn ee ilaahey na siisyay.
Waqtiga aan haysano waa nala weydiinayaa maalinta qiyaame. Waxaa nala
weydiinayaa wixii aan kusoo sameynay waqtigeena uu ALLE swt na siiyay.
Ma u isticmaalnay waqtigeena si xalaal ah mise si xaraam ah? Ma u
isticmaalnay waqtigeena in aan ALLE ku caabudno, ALLAHII na abuurtay
tabaraka watacaalaa?
Ma samaynay wax kasta uu ALLAH jecelyahay oo nabigeena scw uu
nabaray?
Hadda waxaan ku jirnaa bishii Ramadan, ALLAH naxariistiisa waxaan soonay
haafkii hore.
Sidee baan u noolayn marka aan soonay bishan Ramadaan?
Maka faa´iideysanay jaaniskeena si aan u kordhino camalkeena wanaagsan
oo na anfacaya maalinta qiyaamo?
Ma u dhawaanay ALLAH kaliya, oo sareeyay bishan?
Ma is cafinay oo ma caawinay walaalaheena dhibaateysan ee aduunka
geesihiisa ku nool? Mase anaga oo baahan oo ooman ayaan maalintii
xisaabinaa inta nooga dhiman Ramadaan, si aan ugu noqono nolosheenii
caadiga ahayd?
Walaahi waa muhiim in qof kasta oo naga mid ah uu isweydiiyo suáalahaas,
sideen u isticmaalaa waqtigeyga? Mase u mahadnaqaa ALLE swt nicmo
kasta ee uu i siiyay? Sideen u tusnaa ALLE inaan u mahadnaqeyno? Iyo
inaan jecelnahay ALLAH swt.
ALLAH wuxuu quraankiisa ku yiri:
[3:31] Ku dheh Muxamad, haddii aad ALLE jeceshihiin, aniga i raaca ALLE
wuu idim jeclaanayaa markaas, wuxuuna idiin cafinyayaa dambigiina. ALLE
waa mid cafiya markasta oo naxariis badan.
Waa sidee soonkeena, inta aan soo soonay?
Waqtigan albaabada janada ay furan yihiin, ma u soonay si sax ah?
Xasuusnaada inaad sooman tahay maaha macnaheeda inaad salaada
yarayso, macnaheeda maaha inaadan masjidka imaan ama inaad seexato 10
saacadood oo saa´id ah, adigoo aan ka faa´iideysanayn waqtigaada.
Kuwii aan ka faa´iideysan maalmihii ugu horeeyay bishan Ramadan waxaan
idin leenahay, ka faa´iideysta inta ka dhiman Ramadan bishan barakaysan.
Ilaah ka baqa/cabsada swt oo xasuusnaada inaadan ogeyn inaad
noolaaneyso xitaa berito ama noolaaneyso Ramadaanka soo socda, Marka
ka faa´ii deysta bishan Ramadan iyo inta ka dhiman sanadka, siiya ALLE swt
xaqiisa, sida uu noo siiyey xaqeena. ALLE ka baqa/cabsada meel kasta oo
aad joogtaan, hoos-hoos iyo waliba si cad/qayaxan.
,
Xasuusnaada qof kasta oo naga mid ah waxaa jooga malak labadiisa dhinac,
kuwaasoo qoraya wax kasta oo samayno am dhahno, waxaasoo dhana
waxaa naloo keenayaa maalinta qiyaame.Waxuuna noqonayaa camalkkada
maalintaas mid camalkiisii anfaco iyo mid ku khasaaro camalkiisii oo ciqaab u
keeno.
Kuwa ALLE rumaysanoow,, xasuusnaada in bisha ramadaan ay tahay bisha
dadku ay sameeyaan camalka kiisa ugu wanaagsan si ALLE uu uga xureeyo
cadaabta. Hadith ka sugnaaday nabigeena scw, mar alle marka aan afurayno
waxaa jira qof laga xureeyo cadaabta, ALLAH cafitaanka badan.
Ilaahey ka naga dhigo kuwa ALLE cadaabta ka xureeyo, janadana ALLE
galiyo.
Abi Said Al khodri ilaahey haka raali ahaade, wuxuu ka wariyey i nabiga scw
yiri Ilaahey agtiisa mallin kasta iyo habeen kasta oo ramadaan ah qof ayaa
laga xureeyaa cadaabta, Qof kasta oo sooman ALLAH wuu aqbalaa
ducadooda, iyo salaadooda.
Waa inaan dadaalnaa si aan uga mid noqon kuwa ALLE cadaabta ka
xoreeyay bishan ramadan.
Dadka ALLE rumaysanoow iyo maalinta qiyaame, waa inaan ALLE u tooba
keenaa oo waydiisanaa ALLE swt inuu noo dhaafo danbigeena.
Haddii aan aanan samaynin bishan ramadaan, goorma ayaan sameynaa?
Goormaan ALLE u tooba keenaynaa?
Bishan ramadaan waa xiliga aan dabacsanahay, waxaan ka soonay raashin
iyo cabitaan ALLE dartiis. Bishan waxaan haysanaa jaanis dhamaan
kuweena danbiga gala inaan ALLE u soo noqono. Maxaa yeelay nabigeena
scw wuxuu yiri bishan waxaa laxiraa dhamaan sheydaanka oo dhan, sidaa
darteed way noo fududaanaysaa inaan la imaano camalka kiisa wanaagsan
oo ka fogaano danbiga.
Walaalayaal ha rumaysanaha in khalad, khalad ayuu ka yimid, daldalool iyo
gaf. Nabigeena scw wuxuu yiri qof kasta oo ina Adam ah wuxuu la yimaadaa
dambi iyo khaladaad, waxaase idiinku kheyr badan kuwa ALLE usoo noqda
oo cafis waydiista.
Qofka ALLE usoo noqda oo cafis waydiista dambigii uu galay sanadka
dhexdiisa, waxuu ku raaxeysanayaa naxariista ALLE swt na siiyay bishan
barakaysan ee ramadaan.
Naxariistaas ALLE waxay dharjisaa kuwo badan oo baahnaa,, waxay
caafimaadsiisaa kuwa badan oo jiranaa, waxay qani ka dhigtaa kuwo badan
oo sabool/faqri ahaa, waxaana dhaxdeena ku bata jeceylka iyo iscafinta.
Maxaa yeelay waa bil baraka wadata iyo naxariis badan oo xag ALLE ka
timaada.
Waxaa cadayn u ah hadithkii Anas alaha ka raali noqdo u ka wariyay
nabigeena scw wuxuu yiri sameeya camalka kiisa wanaagsan ALLAH aa idin
abaal marinaa, ALLAH wuxuu abaalmariyaa adoomadiisa kii uu doono
naxariistiisa darteed.
Waxaa idiin dhahayaa waa waxa anagoo dhan aan u shaqeyneyno inaan ku
noolaano nolol wanaagsan adduunkan, waa inaan sidoo kale u shaqeynaa
nolosheena aaqiro. Taasna waxaa ka mid ah inaan salaada ku tukuno
jamaacada, taraawiixda, salaada habeenkii saqda dhexe.
Nabigeena scw wuxuu yiri qofkii tukato salladahaas isagoo ALLE u khaas
yeelayo, rajeynayana ALLE inuu u dhaafo danbigiisii hore, qofkaasoo ku
dukanaya imaam gadaashiisa inta uu ka dhamaynayo salaada, wuxuu
ALLAH u qorayaa isagoo utaagnaa salaad habeenkii oo dhan, Allahu akbar.
Xiriirinta qaraabada, dhaqanka wanaagsan, bal fiiri wuxuu ka yiri nabigeena
scw, Ma jiro wax ka culeys badan miisaanka maalinta qiyaame, dhaqanka
wanaagsan dadka dhexdooda.
Ugu danbeyntii, waxaan rabaa inaan xusuusano qof kasta muslim halkan
fadhiya, dhagaysta hadalkan si fiican, maxaa yeelay waa hadal aad u muhiim
ah, ALLAH wuxuu aqbalaa camalkeena iyo waliba soonkeena dheer.
Nabigeena scw wuxuu yiri:
Lama ogola in laba muslim ah ay iska kala tagaan ama diidaan in ay isla
hadlaan dhib soo kala dhex galay dartiis ina kabadan 3 maalmiod, qofkii
intaas ku dhintana wuxuu galayaa cadaabta. Subahanalaah
Ha iloobina hadda markii aad soomantihiin inaad isku naxariisataan oo aad is
cafisaan, haddii aan sidaas yeelno waa liibaaneynaa adduun iyo aakhiro
labadaba, maxaa yeelay waxaa nahay umada ugu wanaagsan, maxaa yeelay
waxaan la imaaneyna camalka kiisa wanaagsana waxaana ka tageynaa
danbiga.
Waxaan ALLAH swt ka baryeynaa inuu dhigo muslimiin wanaagsan.
Waxaan ALLAH ka baryaynaa inuu naga aqbalo soonkeena iyo waliba
camalkeena wanaagsan.
ILAAHAYOW naga dhig kuwa kuu hogaansama, dalbadana raali
ahaanshahaada.
Waxaan ALLAH ka baryaynaa qalbi caafimmad qaba, waxaana ALLE ka
magan galeynaa qalbi jiran ama dhintay.
Waxaan ALLE ka baryaynaa inuu nagu hanuuniyo wadada xaqa ah, iyo
ALLAH naga dhigo kuwa ka baqa/cabsada ALLE habeen iyo maalin.
Waxaan ALLE ka magangaleynaa cadaabta iyo in ALLE nagu abaalmariyo
janada.
Waxaan ALLE ka baryeynaa in ALLE swt fududeeyo dhibka haysta
walaaleheena muslimiinta meel kasta ay joogaan.
wa salalah ala sayedna habibena Mohamad wa ala alihi wa sahbihi ajma3in.
Och Allah Aclam
Waxaa qoray Islamiska Kultur Centret i Sundsvall
2014 / 11 – 07