Allah ayey mahad u sugnaatay swt. Waxaan ALLE waydiisnaynaa

Download Report

Transcript Allah ayey mahad u sugnaatay swt. Waxaan ALLE waydiisnaynaa

Jimco KHOTBA 28 FEBRUARI, 2014
BISMILAH AL RAHMAN AL RAHIM
Allah ayey mahad u sugnaatay swt. Waxaan ALLE waydiisnaynaa magangaleyo
iyo in ilaahey inuu na cafiyo, naguna hanuuniyo wadada xaqa ah.
Waxan qirayaa ilaah xaq lagu caabudo oo aan alle aheyn inuusan jirin iyo nabi
muxamad scw yahay rasuulkiisii ugu danbeeyay.
Qofkii Alle hanuuniyo cid lumin kartaa ma jirto, qofkuu Alle uusan hanuunin cid
hanunin karto ma jirto.
Aan isku dayno inaan qalbigeena jilcino, oo aan xojino iimaankeena.
Iimaanka waxaa loo qaybiyaa 3 qaybood:
Kan koobaad hadalka, kadibna qalbiga iyo ku dhaqanka.
Imaankeena iyo aaminsanaanteena way kordheysaa markii aan kordhino camalka
wanaagsan, oo aan ku dhaqano diinta Allah iyo sunada nabigeena scw.
Dadka qaarkood danbi ayaa ka dhacaya iyagoo khilaafaya amarka Alle swt. Ilaahey
wuxuu quraankiisa ku yiri:
[48:4] Kuwa ay ka buuxasantay imaanka qalbigooda, xasilooni iyo macaanka
iimanka kuwaas iimankooda wuu kordhaa wuuna xoogaystaa.
Nabigeena scw wuxuu yiri: Xalaasha waa cadahay, xaaraantana waa cadahay
laakiin labadaas dhexdooda waxaa ah shubahaat/waxaan cadayn oo laysku
khilaafay xalaalnimadeeda ama xaaranimadeeda. Nabiga wxuu yiri ka fogaada
waxaas aan cadayn/shubahaat. Qofkii ku dhaca waxaas wuxuu ku dhacay xaraam.
Haddii aadan hubin shey inuu 100% halaal yahay iskaga fogow.
Nabigeena scw wuxuu yiri jirkeena waxaa ku jira qayb ah inaan ilaalino, si aan u
ilaalino iimaankeena.
Wuxuu yiri cad hilib ah ayaa ku jira jirkeena, haddii uu caafimaad qabo qaybtaas
jirkoo dhan waa caafimaad qabaa, haddii uu jiradana jirkoo oo dhan uu jiranaa,
qaybtaasna waa qalbiga.
[57:16] Miyayna ahayn waqtigii kuwa ilaahey rummeyay ay qullubtooda cabsi gali
lahayd xusida Alle swt iyo xaqa soo dagay, si aysa u noqon kuwii ka horeeyay oo
lasoo dajiyay kutubta laakiin qalbiogooda wuu qalalay sida ay ubadan yihiina waxy
noqdeen faasiqiin.
Nabigeena scw oo loo dhaafay danbigiisa oo dhan, inta uusan noqon nabi ilaa inta
uu ka dhimanayay, laakiin wuxuu la ooyi jirey cabsida Allah swt. Anas RC wuxuu yiri
waxaan ka maqlay rasuulka oo dhahaya isagoo na wacdinaya, haddii aad ogaan
lahaydeen waxaan ogahay wax yar ayaad qosli lahaydeen wax badana waa ooyi
lahaydeen.
[11:103] Waxaa ku sugan tusaale kuwa Alle ka cabsanaya cadaabtiisa, maalinta la
kulminayo dadka oo dhan
[11:104] Dibna looma dhigaayo maalintaas xadidan
Maalinta qiyaame Alle swt dib uma d higayo si aan camal wanaagsan u samaysano,
Ma is waydiinay xagee ku soconaa?
[99:7] Qofkii samaysta waxa ugu yar oo wanaag ah wuu arki
[99:8] Qofkii samaysta waxa ugu yar oo xuman ah wuu arki
Nabigeena scw wuxuu dabka aad maanta aragtaan, wuxuu ka yahay wax yar
kulaylka haddii la barbar dhigo kulaylka cadaabta.
Ma ku fikirnay cadaabta? Iyo waxa dhaxdeeda ah?
Cadaabta waxaa yaala raashin iyo cabitaan loogu tala galay kuwii xumaanta soo
shaqaystay iyo gaalada.
Waxaa yaala al zakom, och al gizlin och al dari3.
Ma taqaaniin sadaxdaas?
Al zakom waa geed u eg madaxa sheydhanka wuxuuna ka baxaa caddabta.
Aldarric waa geed qodxo badan, qodxahaas oo aad u afeysan. Waana raashinka
dadka ahlu naarka.
Algisllin waa cabitaan kuleyl badan oo ah dhecaanka kaso baxa dadka ay cadaabtu
gubto.
Ilaahey swt wuxuu quraanka ku yiri:
[37:62] Sow kama fiicna waxa janada yaala waxa cadaabta yaala?
[37:63] Waxaan usamaynay geedkaas kuwa danbiga gala.
[37:64] Geedka wuxuu ka baxaa salka cadaabta/naarta
[37:65] Geedka wuxuu u eg yahay madaxa sheydhaanka
37:66] Kuwa cadaabta lagu xukumay waxay cunaan geedkas si ay gaajada ugu
dagto
[37:67] Waxay ku cabaan cabitanka wasakhda ah, kasoo karkaraya.
Suurada 88
[88:6] Cuntadooda waxay noqonaysaa mid qalalan, oo qodxo badan
[88:7] Kama helaan nafaqo kamana goyso gaajo.
Suurada 49.
40:49] Kuwa ay cadaabtu gubeyso, waxay ku leeyihiin malaaikta cadaabta ilaalisa ”
noo barya Ilaahiina, si u ciqaabta nooga fududeeyo, xitaa hal maalin ha ahaatee”
[40:50] Malaaikta cadaabta waxay dhahaayan ” sow rasuul idiin ma imaan isagoo
xujo cad wata, kadib ahlu naarka waxay ku jawaabaan ” Haa, way noo yimid rasuul”
malaaikta cadaabta waxay dhahaan”idinkaba barya” laakiin baryahooda alle ma
aqbalo. Jawaabtaas ka dib ahlu naarku way rajo dhigaan, ka dib waxay u yeeraan
malaga Malik.
[43:77] Waxay u yeeraan malaaikta cadaabta ” Adiga na ilaalinaya ” Noo bari
Allahaada sow noogu xukumo dhimasho ” wuxuuna ugu jawaabaa ” Maya, halkaan
ayaad ku jireysaan weligiin.
Suurada 7
[7:50] Kuwa ahlu naarka ah waxay u yeraan ahlu janada, waxooga biyo ah nagu kor
shuba ama naga soo tuura waxoogaa wuxuu alle idinku deeqay. Waxay ugu
jawaabaan Alle ayaa idiin diiday taas kuwii Alle beeniyay.
Intaas ka dib Ahlu naarka ma helaan wax caawin ah, ka dib waxay la hadlaan
Ilaahey:
Suurada 23
[23:106] Ilaahayaoow waxaa naga guuleystay xumaanttenii waana habaawnay
[23:107]Ilaahayoow naga xoray ciqaabtan, haddii aan ku noqono xumaanta waxaan
ka tirsanaanaynaa kuwa dulmiga falay
[23:108] [Ilaahey] wuxuu yiri: "ku jira duliniamdiina hana ku dhiraanina inaad ila
hadashaan.
Ilaahey waxaan ka baryaynaa inu na cafiyo, waxaana kam agan galaynaa cadaabta.
Ilaahey waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwa gala janada. Nabigeena scw
wuxuu yiri umadayda ayaa janada ugu hor galaysa.
Janada waxay ahlu janada ugu nool yihiin walwal la’aan, jiro majrto, qufac, candhuuf
iyo xanuun midna ma jiro xitaa musqul looma baahdo.
Waa kuwee ku hela darajada ugu hooseysa ee janada?
Ilaahey swt u jawaabay, nin ayaa kan ugu danbeeya ee janada gala, Ilaahey swt
wuxuu yiri gal janada, ninkii ayaa waydiiyay, sideen u galaa markii dadkii oo dhan ay
heleen qaybkoodii janada
Ilaahey swt, wuxuu yiri maku qanacdaa inaad lahaato sidii nin boqor, boqoradii
aduunka? Ninkii wuxuu yiri Aad ayaan u qanacsanahay ilaahayoow.
Ilaahey swt wuxuu yiri waxaan ku siiyay 4 jibaar. Allahu akbar
Ninkii wuxuu ku jawaabay inuu qanacasan yahay wuxuu Alle siiayay, maadama uu
ninkii qancay, Alle swt wuxuu siiya 10 jibaar iyo wax alle uu rabo ama uu ku hamiyoNinkii wuxuu yiri Waa u qancay qancin tii ugu badnayd Ilaahayow.
Mosa wuxuu waydiiyay, waa sidee xaalka kan hela darajada ugu saraysa ooo ugu
fiican janada?
Ilaahay swt wuxuu ku jawaabaa, aniga ayaa kaas abaalmarinaya.
Allaho akbar.
Taasi miyayna ahayn mid ku filan inaan ka shalayno danbigeena? Iyo inaan ka
taxadirno salaadaheena?
Inaan ka leexano xumaanta? Lana imaano wanaaga?
Inaan ku dhaqano islaamka?
Inaan yeelano dulqaad, iyo inaanan u ordin adduunyo kaliya?
Ilaahey ay gacantiisa ku jirto ruuxeena, waxaa nala soo istaajin doonaa wax alle
waxaan samaysanay.
Waxaan ilaahey ka baryaynaa oo kamagan galaynaa dabka cadaabta, waxaana ka
baryaynaa naxariista janada.
Ilaahayoww naga dhig kuwa kaa cabsada habeen iyo maalin. Waxaan ilaahey ka
baryaynaa inuuu u fudeedeeyo walaalaheena meel kasto oo ay adduunka joogaan.
wa salalah ala sayedna habibena Mohamad wa ala alihi wa sahbihi ajma3in.
Waxaa qoray Islamiska Kultur Centret i Sundsvall