“Dokter, waarom luistert u niet?”

Download Report

Transcript “Dokter, waarom luistert u niet?”

GGD Nederland | FSAN
Dumarka sidaada oo kale
Daryeelka dumarka la guday
Ahaanshiyaha qof gudan
Ku dhawaad 100-140 milyan oo gabdhaha iyo dumarka dunida ah ayaa la guday.
Kuwani waa dumarka gaar ahaan ka soo jeeda qaar kamid ah wadamada
Afrikaanka, Yeman iyo Kurdida Ciraaq. Sidoo kale Nederland waxaa ku nool ku
dhawaad 28.000 oo dumar la guday ah. Haddii aad tahay mid kamid ah
dumarkaas, adiga ayaa laguugu tala galay qoraalkan.
Dhibaatooyinka
Dumarka la guday, waxay ka heli karaan cabashooyin. Taas oo noqon karta
cabashooyin kala duwan, sida:
Jirka
Galmada
Maskaxda
Dhibaatooyinka xiriirka
Halkan hoose waxaad ka heleysaa liiska dhibaatooyinka la xariira gudniinka.
Dumarka qaar waxay qabaan cabashooyin kala duwan oo liiskan ku jira, kuwa
kalena wax cabasho ah ma qabaan.
Cabashooyinka suurta galka ah ee jirka
dhibaatooyinka la xariira caadada
dhibaatooyinka kaadida iyo/ama saxarada
inta badan inaad kaadiso/caabuqa marrinka kaadida
ma dhaleysnimo
baxsiga kaadida
Cabashooyinka suurta galka ah ee galmada
lumiska ama yaraanshiyaha rabitaanka dareenka galmada
xanuun xilliga galmada/inaadan awoodin galmada
Cabashooyinka suurta galka ah ee maskaxda
xasuus xun oo aad ka qabto gudniinka
murugo aad ka qabto inaad gudan tahay
inaad cabsato ama inaad dhaqsi aad u naxdo
inaad ka xishooto jirkaaga
inaad dareento xir xirnaanshiyo ama faham la’aan
inaad dhaqsi xanaaqdo
inta badan inaad murugooto, adigoon ogeyn sababta
walaac badan iyo inaad is xir xirto
Cabashooyinkaan waxaa sidoo kale ka dhalan kara dhibaatooyinka xiriirka ee u
dhaxeeya haweeneyda iyo ninkeeda.
Kuma wada qabaan dumarkoo dhan dhib dhibaatooyinkaan. Haddii aad adiga
dhib ku qabto, markaasi waa muhiim inaad ogaato in inta badan wax laga qaban
karo.
Saacadda la hadalka
Waxaa si gaar ah, dumarka sidaada oo kale ah loogu tala galay oo aad aadi kartaa
rugta caafimaadka, saacadda la hadalka. Waxaad waqtigaan ku sheegan kartaa
dhibkaaga. Dhakhtarka ama kalkaalisada waxay waqtigaas kula eegayaan
waxaad u baahan tahay. Waxaad heleysaa talo ku aadan waxa aad
dhibaatooyinkaaga ka qaban karto, iyadoo aad caawimaad bixiye ka heli kartid
caawimaad. Ujeedka saacadda la hadalka waa in la xaqiijiyo inaad heshay
caawimaad kuu fiican. Si dhibaatooyinkaaga wax looga qabto iyo haddii aaney
taasi dhicin, in aad sida ugu fiican, uguna suurtagalsan u noolaan kartid.
Waxaan jiraan goobo kala duwan oo ku yaalla Nederland, kuwaas oo aad tagi
karto saacadda la hadalka. Dhabarka dambe ee buug-yarahan, waxaad ka
heleysaa macluumaad ku saabsan rugaha caafimaad ee ku yaalla nawaaxiga
meesha aad dagan tahay. Waxaad sameyn kartaa inaad marka hore wacdo, si aad
isu barataan, una hesho wixii macluumaad dheeri ah.
Marwadu waa 45 sano jir. Waxay leedahay saddax caruur waa weyn ah. Waxay
timid saacadda la hadalka, maxaa yeelay iyadu kaadida cadaadiskeeda ma isku
celin karto. Waxay kaadisaa dhibic dhibic yar, oo watta dareen gubasho leh.
Galmada kaddib, waxay inta badan xanuun ku qabtaa kaadida. Dhakhtarka ayaa
hubiyay kaadideeda, wuxuuna siiyay dawooyinka caabuqa marrinka kaadida.
Weli waxay qabtaa cabasho ku saabsan in inta badan kaadida cadaadis badan ku
heyso.
Sarkaalka caafimaadka ee Soomaaliga ah ayaa u raacay saacadda la hadalka.
Halkaas ayay marwadu mar kale cabashadeeda kala hadashay dhakhtarradda
xarunta caafimaadka. Taas oo baaritaan ku sameeysay cabashada haweeneyda.
Waxay aragtay in haweeneyda sagxadeeda miskaha yihiin kuwa aad xasaasi u ah,
isla markaana sar saran, taas oo ay kala kulantay gudniinkii hore. Waxaa loo
gudbiyay fiisiyoo terbistaha miskaha. Intaa ka gadaalna dib ayay ugu noqotay
dhakhtarradda.
Kaddib marwadu aad bey u faraxday, maxaa yeelay iminka cabashadeedii waa la
xalliyay.
Nijmegen
Haweenku waxay ballan ka sameysan karaan saacadda la hadalka Dhakhtarad
Toine Lagro-Janssen, xarunta UGC Hayendael, oo ku taalla Gerard van
Swietenlaan 3. Taleefanka: 024-322 43 40.